Maleeshiyaad hubeysan ayaa saaka aroortii hore ku dilay laba nin oo xoolo-dhaqato ahaa, meel u dhow degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Labada marxuum ee la dilay ayaa asal ahaan kasoo jeeda magaalada Baladweyne, halka ragga dilka geystay la sheegay inay kasoo jeedaan deegaanka Matabaan.
Wararka hordhaca ah waxay tilmaamayaan in dilka uu salka ku hayo xaalado dagaal beeleed ama muran la xiriira xoolo-dhaqashada, inkasta oo faahfaahin rasmi ah aan weli la shaacin.