Guutada 3-aad ee Ciidanka Difaaca Puntland ayaa gacanta ku dhigtay argagaxiye ajnabi ah oo katirsanaa kooxda Daacish ee lagu jebiyey dgaalada ka socda Cal-miskaad.
Ninkaan oo u dhashay dalka Turkiga ayaa ciidanka difaaca dowladda Puntland qabteen xilli uu biyo ka dhaansanayey ceel ku yaalla togga Baalade isagoo hubeysan Qori A47, sida ay shaaciyeen saraakiisha ciidanmadu.
Mid kamid ah saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka kujira hawlgalka Hillaac ayaa sheegay in ninkaan uu ku dhawaaqayey “Ha Idilinina”, haseyeeshee uusan wax kale ka aqoon luuqadda Soomaaliga.