Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in si rasmi ah loo furay waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, ka dib markii awood millatari ay kula wareegeen gacan ku haynta waddadaasi, kadib hawlgallo amni oo maalmahan ka socday jiidka.
Ciidamada ayaa sidoo kale gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo saraakiisha amniga ay ka wadaan hawlgallo lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo badqabka guud ee magaalada.
Boqolaal ka mid ah shacabka Baydhabo iyo deegaannada ku xeeran ayaa si diirran usoo dhaweeyay Ciidamada Qaranka, iyagoo muujiyay farxadda ay ka qabaan furitaanka waddada muhiimka ah ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, taas oo sahleysa isu socodka dadka, ganacsiga iyo gaarsiinta adeegyada muhiimka ah.

