Ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka gobolka Hiiraan ayaa caawa Toogtay Dhagar qabe ka tirsan Khawaarijta oo watay Biskoolad iyo Bambooyin isla markaana doonayay in uu wax yeelo gaarsiiyo ciidamo Boolis ah oo bar-koontarool ku leh afaafka hore ee Buundo-weyn.
Taliyaha Ciidamada Nabad-sugidda magaalada Beledweyne Abdi Aweys Mohammed Ali ayaa u mahadceliyay ciidamada howlgalkaasi fuliyay waxuuna ballan qaaday in dhagarta Khawaarijta gudaha iyo furimaha gobolka uga hor tagaan.
howlgalkaasi Ciidamada hay’adda NISA ayaa xaafadda Buundoweyn kusoo bandhigay Meydka dhagar qabaha hubkii uu watay.
Ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka qeybta dhar-cadka ayaa siweyn uga howlgala xaafadaha magaalada Beledweyne waxaana taasi aay keentay in la fashiliyo dhagarta Khawaarijta.