Dawlada Mareykanka ayaa markii u horreysay shaaciyay howlgal la sheegay in lagu difaacayo Taiwan, tan oo sare u qaadaysa suurtagalnimada Shiinaha uu ku doonayo inuu duulaan ku qaado jasiiradda madax bannaanida raadinaysa.
Taliyaha taliska Mareykanka ee Indo-Pacific, Admiral Samuel Paparo ayaa ku dhawaaqay howlgalkan loogu magac daray “HELLSCAPE” oo uu ku sheegay istiraatijiyad difaac oo Mareykanka iyo xulafadiisa ay uga hortagayaan inuu Shiinaha xoog ku qabsado Taiwan.
Istiraatijiyadan difaac ayaa lagu qeexay habka ay weerarka difaaca ah u billaabayaan Mareykanka iyo xulafadiisa , marka Shiinaha uu billaabo dagaalka , iyadoo Taiwan la geyn doono kumannaan doomaha quusa ee aan ciddi wadin, diyaaradaha aan duuliyahan lahayn iyo awoodaha kale ee militari , kuwaaso markiiba weerar difaac ah billaabaya marka maraakiibta Shiinaha ay ka soo gudbaan marinka 100-mayl ee dhanka Taiwan.
Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in waqti hore madaxweynaha Shiinaha , Xi Jinping inuu ku wargeliyay ciidanka militariga inay u diyaar garoobaan duulaan ay xoog ugu qabsanayaan Taiwan, dhaqdhaqaaqyadii u dambeeyay ee Shiinaha ayaa sidoo kale soo muujiyay suurtagalnimada duulaanka Shiinaha oo la sheegay inuu dhiirrigelin ka helayo dagaallada Ukraine iyo Qasa.