Waxaa Arbacadi shalay sii xoogeystay dadaalka loogu jiro sidii Marinka Gaza loo gelin lahaa gargaarka baniβaadannimo ee sida aadka ah ay ugu baahanyihiin dadka gaajada darteed u goβi rabo ee reer Gaza.
Midowga Yurub ayaa kordhiyay cadaadiska uu ku saarayo Israil in ay qaaddo xayiraadaha gargaarka baniβaadannimo. Dalalka reer Yurub ayaa isku dayaya in ay abuuraan dariiq sii maraya badda oo kasoo billaabanaya Qubrus kuna dhammaanaya Gaza, kaas oo lasoo marin doono gargaar baniβaadannimo.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain David Cameron ayaa isna Arbacadi sheegay, in xulufada Israβil ay sii luminayaan dul-qaadka.
Koofur Africa oo horay Israβil uga dacweysay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda kuna eedeysay xasuuq ka dhan ah dadka Gaza, ayaa Arbacadi ka codsatay Maxkamaddaasi in ku amarto Israil in Gaza la geliyo gargaar baniβaadannimo si looga hortago macluul iyo gaajo.
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in ugu yaraan 576,000 oo qof oo ku nool Gaza, oo ah rubuc ka mid ah dadka ku nool Marinka Gaza ay qarka u saaran yihiin macluul.

