Close Menu
    What's Hot

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

    February 5, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026

      Magacaabista Ra’iisulwasaare Cusub- Awood Siyaasadeed oo ka Dhalata Marxaladda Kala-guurka

      February 5, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026

      Magacaabista Ra’iisulwasaare Cusub- Awood Siyaasadeed oo ka Dhalata Marxaladda Kala-guurka

      February 5, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Daroogada laga sameeyo lafaha bani aadamka iyo halka ay lafahaas ka keenaan dadka isticmaala

    Daroogada laga sameeyo lafaha bani aadamka iyo halka ay lafahaas ka keenaan dadka isticmaala

    By radiohalgan.comApril 6, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Madaxweynaha dalka Sierra Leone ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo heer qaran ah oo la xiriirta isticmaalka daroogada dalkaasi oo aad u batay.

    Kush, oo ah waxyaabo la’isku farsameeyay isla markaana ah sidoo kale waxyaabo la qabatimo, ayaa dalka ku baahday sanado badan.

    Madaxweyne Julius Maada Bio ayaa dawadan ku tilmaamay “dabin dhimasho” wuxuuna sheegay inay keentay “dhibaato jirta”.

    Mid ka mid ah maaddooyinka faraha badan ee ay ka kooban tahay dawadan ayaa ah lafaha bini’aadamka, taasina waxa ay sababtay in aad loo adkeeyo ammaanka xabaalaha si looga hortago dadka balwadda leh ee qodaya qabuuraha isla markaana qaadanaya qalfoofka qofka dhintay.

    Waxaa inta badan la arkaa kooxo dhallinyaro u badan oo fadhiya hareeraha waddooyinka oo ay luguhu bararsan yihiin, isla markaana ay ka muuqdaan saameynta daroogada loo yaqaanno Kush taas oo arrin caadi ah ka noqotay dalka Sierra Leone.

    Isagoo faashad ay uga dheggan tahay lugta qaybteeda hoose ee anqawga, mid ka mid ah kuwa isticmaala balwaddan balse haatan ka soo kabanaya ayaa BBC-da waxaa uu u sheegay in daroogadu ay si adag u qabatay isaga.

    “Ma jecli inaan tan sameeyo, laakiin kama tagi karo sababtoo ah waan ku raaxeeystaa,” ayuu yiri.

    • Fanaaniinta iyo xiisadda badda ee ka dhex taagan Itoobiya, Soomaaliya iyo Somaliland3 Saacadood ka hor
    • Shiikh Cabdi Xayi β€˜ Xaramka waa in loo tagaa cibaado ee igu sawir ma fiicna’6 Saacadood ka hor
    • Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”6 Abriil 2024

    Ma jirto tiro rasmi ah oo dhimasho, balse mid ka mid ah dhakhaatiirta ayaa BBC-da u sheegay in “bilihii la soo dhaafay” ay boqollaal dhallinyaro ah u dhinteen hawlgabka xubinta taranka daroogada Kush awgeed caasimadda Freetown.

    Daroogadan ayaa sidoo kale dhibaato ku ah caafimaadka dhimirka, Cisbitaalka dhimirka ee Sierra Leone, oo ah hay’adda kaliya ee nooceeda ah ee ka jirta dalkan, ayaa leh inta u dhaxaysa 2020-kii iyo 2023-kii, qaabilaadda waxay gaartay 1,865.

    Kush

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

    Qoraalka sawirka,Daroogada Kush

    Kororka isticmaalka Kuushka ayaa keentay in maamulka xabaalaha ugu waaweyn ee Freetown ay booliska ka codsadaan ammaanka qabuuraha si ay isaga difaacaan ragga dhallinyarada ah ee qodaya lafaha bini’aadamka oo ah mid ka mid ah maaddooyinka badan ee loo isticmaalo samaynta daroogada Kush, inkastoo aan la garanayn sababta.

    Madaxweyne Bio ayaa farriin dalka oo dhan lagu baahiyay habeenimadii Khamiista, waxa uu ku yiri, “Dalkeenna hadda waxaa soo food saaray khatar jirta oo ay ugu wacan tahay saameynta xun ee daroogada iyo isticmaalka mukhaadaraadka, gaar ahaan kuwa waxyeellada leh ee daroogada kush.”

    Waxa uu intaa ku daray in ay jiraan “dhimasho sii kordhaysa” oo ay la kulmeen isticmaalayaasha Kush.

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale faray mas’uuliyiinta in ay dhisaan guddi heer qaran ah oo ka hortaga maandooriyaha, kuwaas oo marka hore diiradda saari doona β€œla-dagaalanka daroogada Kush”.

    Waqtigan xaadirka ah, Freetown waxay hoy u tahay xarunta kaliya ee dhaqan celinta daroogada ee dalka ka shaqeysa.

    Ku xigeenka duqa magaalada Freetown Kweku Lisk ayaa BBC-da u sheegay in xafiiskiisu uu ka codsaday booliska in ay sugaan ammaanka si wax looga qabto dadka qabuuraha qoda.

    Xilligan, waxaa jira ciidamo boolis ah oo habeenkii la geeyo qubuuraha Kissy Road, oo ah goob weyn oo aan darbi lahayn oo ku taal duleedka bari.

    Kush

    XIGASHADA SAWIRKA,AFP

    Qoraalka sawirka,Daroogada Kush

    Maamulka Mr Bio ayaa waxaa dhaleeceeyay dad sheegay in dowladda ay ka maqan tahay istaraatiijiyad iyo dadaal ay uga jawaabaan dhibaatooyinka Kush.

    “Taas oo kale waa khasaaraha cad ee jira waana jawaab celin ku filan oo ay bulshooyinku inta badan ku qasbanaadeen inay sharciga gacmahooda ku qaataan,” ayuu yiri diblumaasi ajnabi ah oo ku sugan Sierra Leone.

    Dr Abdul Jalloh, oo ah madaxa cisbitaalka dhimirka ee Sierra Leone, ayaa sheegay in ku dhawaaqida deg-degga ah ee Mr Bio ay tahay “tallaabada saxda ah” ayna noqon doonto ” mid muhiim u ah wax ka qabashada isticmaalka daroogada”.

    “Waxay ka dhigan tahay mudnaanta koowaad, fiiro gaar ah iyo faragelinta lagula dagaallamayo arrintan sii kordheysa,” ayuu yiri.

    Ilaa 63% bukaannada cusbitaalka hadda kujira waxaa loo seexiyay dhibaatooyin la xiriira Kush.

    Marie, oo ah hooyo wiilkeeda oo 21 jir ah ku weyday Kush, ayaa tiri: “Waxaa jira wax badan oo ay tahay in maamulku sameeyo oo ka baxsan khudbadii madaxweynaha si loola dagaallamo aafadan.”

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

    February 5, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

    February 5, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.