Safiirka Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Axmed Jumca Rumeythi ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daahfuray Xarun laga qaadanayo Dal ku galka Waddankiisa si loo fududeeyo isu socodka labada Dal.
Danjire Axmed ayaa sheegay in Xaruntaan si gaar ah u qaabilsanaan doonto bixinta Dal ku galka Dalkaas isla markaana qayb ka tahay Xoojinta Xiriirka labada Dal waa isutagga Imaaraatka iyo Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Dowladaha Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa horay ugu heshiiyay in ay kawada shaqeeyaan wax weliba oo lagu xoojin karo Cilaaqaadka labada dhinac waxaana ka mid ah fududeynta isu socodka.
Danjire Axmed Jumca Rumeythi ayaa noqonaya Safarkii ugu horreeyay ee Isutagga Imaaraatka Carabta ee Magaalada Magaalada Muqdisho ka daahfuray xarun bixineysa Dal ku galka (Visa) Dalkiisa tan iyo burburkii Dowladdii Militariga ahayd.