Garsooraha u dhashay Dalka Talyaaniga ee lagu magacaabo Daniele Orsato ee xalay dhexdhexaadinayay kulankii Kooxda Paris Saint-Germain (PSG) ay ku hartay kuna soo baxday Naadiga reer Jarmal ee Borussia Dortmund (BVB) waxa uu u ahaa kulankiisii ugu dambeeyay ee garsooridda waayihiisa Horyaalka Qaaradda Yurub ee Uefa Champions Leuge.
Orsato oo haatan jira 48 sano waxa uu raacayaa dhabbihii ay mareen garsooreyaal isaga baxay am aka fadhiistay kubadda cagta oo xitaa ay kamid yihiin kuwo ay dhalashada Dalka Talyaaniga ay wadaagaan kuwaas oo xiligaan xilal kala duwan ka haya Hay’adda Cayaaraha ee Uefa halka qaar kale ay falanqeeyeyaal isu baddeleen.
Keliya waxaa kubadda cagta uga dhiman in uu macsalaameeyo Koobka Qaramada Qaaradda Yurub ee sanadkaan 2024 oo marka uu dhammaysto kulamada lagu qoro uu si rasmi ah isaga bixin doonno seeriga iyo dharka gaarka u ah garsooreyaasha kubadda Cagta taasina ay ka dhignaan doonno in uu fadhiistay.
Daniele Orsato ayaa xalay qaatay go’aamo culus si uusan u dhimin dhexdhexaadnimada garsooreyaasha ciyaaraha isla markaana aanay fadeexo ama ceeb ku sagootin waayihiisa dhexdhexaadinta kulamada horyaalka Qaaradda Yurub ee Uefa Champions League (UCL) sida ay ku doodeen dad badan oo falanqeeyay kulanka PGS vs Dortmound.
Garsoorahaan u dhashay Dalka Talyaaniga ee lagu magacaabo Daniele Orsato waxa uu si rasmi ah liiska Garsooreyaasha ruqsadda ka haysta Hay’adda ugu sarraysa Kubadda Cagta FIFA galay sanadkii 2010kii, waxaana uu dhexdhexaadiyay kulamo badan oo ah kuwa ugu adag ama buuqa badan dhaliya kuwa horyaalka dalkiisa, kuwa ka baxsan & xulalka.