Close Menu
    What's Hot

    Taliye Cusub Oo Hoggaanka La Wareegay: Ciidanka Cirka Xoogga Dalka

    March 7, 2026

    DEG DEG: Iran oo adeegsaday hub cusub oo aad u khatar badan, gantaal Hypersonic ah oo lagu weeraray Tel Aviv

    March 7, 2026

    14 sano kadib, Soomaaliya ayaa maanta yeelatay dastuur dhameystiran,

    March 4, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Taliye Cusub Oo Hoggaanka La Wareegay: Ciidanka Cirka Xoogga Dalka

      March 7, 2026

      DEG DEG: Iran oo adeegsaday hub cusub oo aad u khatar badan, gantaal Hypersonic ah oo lagu weeraray Tel Aviv

      March 7, 2026

      14 sano kadib, Soomaaliya ayaa maanta yeelatay dastuur dhameystiran,

      March 4, 2026

      Maxaa ka jira in Booliska Soomaaliya lacag kaash ah ku qabteen Axmed Hurre?

      March 4, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Taliye Cusub Oo Hoggaanka La Wareegay: Ciidanka Cirka Xoogga Dalka

      March 7, 2026

      DEG DEG: Iran oo adeegsaday hub cusub oo aad u khatar badan, gantaal Hypersonic ah oo lagu weeraray Tel Aviv

      March 7, 2026

      14 sano kadib, Soomaaliya ayaa maanta yeelatay dastuur dhameystiran,

      March 4, 2026

      Maxaa ka jira in Booliska Soomaaliya lacag kaash ah ku qabteen Axmed Hurre?

      March 4, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

    Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

    By radiohalgan.comApril 6, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Khabiir sare oo arrimaha bani’aadannimada ah kana tirsan Qaramada Midoobay oo ku sugan dalka Haiti ayaa ka digay in dalkan uu cagta saaray inuu la mid noqdo β€œsida Soomaaliya kuna jiro marxaladihiisii ugu xumaa” kadib markii sare u kaca rabshadaha burcaddu ay ku qasbeen tobnaan kun oo qof inay qaxaan isla markaana ay caasimaddiisu ka go’do dunida inteeda kale.

    Keliya muddo bil ah kadib markii kacdoonka burcaddu uu billowday, William O’Neill – oo ah qareen arrimaha bani’aadannimada una dhashay Mareykanka oo u safrayay Haiti wax ka badan 30 sano – ayaa walaac ka muujiyay xaaladda ka sii dareysa ee caasimadda Port-au-Prince.

    Garoonka caalamiga ah ayaa xiran tan iyo billowgii March sababo la xiriira rabshadaha, ajaanibta ayaa looga saaray helikobtarro, dagaalyahanno burcad ah oo aad u hubeysan ayaana weli fowdada sii wada, iyagoo weerarro ku qaada iskuullada, jaamacadaha, isbitaallada, bankiyada iyo ganacsiyadaba.

    Arbacadii waxaa xatooyo iyo dhicitaan lagula kacay matxafka qaranka.

    Dadka ayaa la arkayay iyagoo qaadanaya haraaga gawaari dhex yaalla dukaan ay burcadda hubeysan dab ku qabadsiiyeen Port-au-Prince, 25 March 2024.

    Tobnaan kun oo qof ayaa ka qaxay caasimadda Haiti ee Port-au-Prince, si ay uga baxsadaan burcadda hubeysan.

    QM ayaa ku qiyaastay in in ka badan 53,000 ay ka baxeen magaalada oo ay ku nool yihiin 3m intii u dhaxeysay 8-27 March.

    Waxay QM ka digeysaa in gobollada miyiga oo ay dad badan u qaxeen aysan u diyaarsaneyn inay la tacaalaan qulqulkaas faraha badan ee barakacayaasha.

    Burcadda ayaa sii wadda beegsashada ganacsiyada, farmashiyeyaasha iyo iskuullada.

    Booliiska qaranka Haiti ayaa Isniintii iska caabbiyay weerar lala maagganaa madaxtooyada balse rag hubeysan ayaa galay Isbitaalka Haiti ee Jaamacadda Qaranka oo u dhow, si ay uga dhigtaan xarun talis.

    O’Neill kuma cusba xaaladaha ammaan ee caqabadaha leh, isagoo kasoo shaqeeyay Rwanda, Sierra Leone, Kosovo, Bosnia, Nepal iyo Suudaanta Koofureed. Balse wuxuu la amakaagay sida ay gebi ahaanba burcad meesha uga saareen maamulkii Haiti taasoo bilaabatay 29 February kuna qasbay raysal wasaate Ariel Henry, inuu is casilo isagoo dibadda ku maqan.

    Haiti ayaa doorashadiisii ugu dambeysay qabtay 2016 mana uusan lahayn madaxweyne tan iyo 2021 markii Jovenel MoΓ―se lagu dhex dilay gurigiisa Port-au-Prince. Haiti haatan malaha wax saraakiil lasoo doortay.

    Isbitaalka ayaa la xiray bishii lasoo dhaafay sababo la xiriira rabshadaha waxaana qorshuhu ahaa in Isniintii dib loo furo.

    Haiti

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Xasilooni darrada joogtada ah, hogaamiyayaal kaligood talis ah iyo dhibaatooyinka ka dhasha masiibooyinka dabiiciga ah ayaa waxay Haiti u horseedeen in uu noqdo dalka ugu saboolsan qaaradaha Amerika.

    Waxaa sare u kacay weerarada ay geystaan burcadda iyo falalka afduubka ah iyadoo heerka maciishadda dalkaas ay hoos u dhacay oo ku dhawaad boqokiiba 60 dadweynaha ay ku nool macluul.

    Dhulgariirkii ka dhacay Haiti 2010 ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 200,000 oo qof, halka uu burburiyay kaabayaashii dhaqaalaha ee dalkaas.

    Ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socday Qaramada Midoobey ayaa la geeyay Haiti sanadkii 2004 si xaaladda amni darrada ah ay wax uga qabtaan balse waxaa ciidamadaas laga soo saaray sanadkii 2017.

    Qaabkee loo dilay madaxweynihii Haiti?

    Haiti

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Qoraalka sawirka,Madaxweynihii Haiti ee la dilay, Jovenel MoΓ―se

    Dablay aan la aqoonin ayaa gashay guriga madaxweynihii dalkaas, Jovenel MoΓ―se, 7-dii July 2021, qiyaastii 01:00 habeennimo. Waxaa la sheegay inay ahaayeen ajnebi ku hadlayay luuqadaha Ingiriiska iyo Spanish. Haiti waxaa looga hadlaa kuuqadaha faransiiska iyo Creole.

    Wararka qaar ayaa sheegayay in raggu ay ku lebsinaayeen dhar madow iyagoo iska dhigayay inay yihiin ciidammada gaarka ah ee la dagaalanka muqaaradka ee Mareykanka. Ilaa iyo hadda ma jiraan warar rasmi ah oo arrintaa xaqiijiyay.

    Safiirka Haiti ee Mareykanka, Bocchit Edmond, ayaa sheegay inaysan jirin qaab ay ciidammada gaarka ah ee Mareykanka uga dambeyn karaan weerarkaasi. Wuxuu sheegay inay ka dambeeyaan calooshood u shaqeystayaal.

    Bishii February ee sanadkan, garsoore ku sugan Haiti ayaa haweeneydii uu ka geeriyooday Jovenel MoΓ―se ku eedeeyay inay xiriir la leedahay dilkiisa.

    Martine MoΓ―se, oo qudheeda ku dhaawacantay weerarkii lagu dilay seygeeda, ayaa ka mid ahayd dhowr qof oo lagu eedeeyay dilka kadib baaritaan qaatay labo sano.

    Sida ku xusan dukumenti sharciyeed ay warbaahintu soo dusisay, waxaa lagu eedeeyay ka qeyb noqoshada qorshaha dilka.

    Iyadu amaba qareenkeeda midnakama hadlin eedeymahaas.

    Haiti

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Qoraalka sawirka,Martine MoΓ―se (oo la hadleysa wiilkeeda) ayaa ku dhaawacantay weerarkii lagu dilay seygeeda

    Jovenel MoΓ―se, oo ahaa 53 jir, wuxuu awoodda Haiti la wareegay bishii February ee sanadkii 2017 kadib markii uu xilka ka degay ninkii isaga ka horreeyay Michel Martelly.

    Intii uu xilka hayay wuxuu wajahay eedeymo ku aaddan musuq maasuq, waxaana dalka ka dhacay mowjado dibadbaxyo oo looga soo horjeeday xukuumaddiisa kuwaas oo looga codsanayay in uu iscasilo.

    Mucaaradka Haiti waxay ku andacoodeen in muddo xileedka madaxweynaha la dilay uu ku ekaa 7-dii bishii February ee sanadkaas la dilay.

    Wuxuu madaxweynaha la dilay ku dooday in sanad ay uga dhiman tahay muddo xileedkiisa.

    Bishii February, isla sanadkaas markii mucaaradka ay ku cadaadiyeen in uu iscasilo, madaxweynaha la dilay wuxuu xilligaas sheegay in la fashiliyay isku day lagu doonayay in dowladda lagu afgembiyo.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

    February 16, 2026

    Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

    February 10, 2026

    TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

    February 10, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Taliye Cusub Oo Hoggaanka La Wareegay: Ciidanka Cirka Xoogga Dalka

    March 7, 2026

    DEG DEG: Iran oo adeegsaday hub cusub oo aad u khatar badan, gantaal Hypersonic ah oo lagu weeraray Tel Aviv

    March 7, 2026

    14 sano kadib, Soomaaliya ayaa maanta yeelatay dastuur dhameystiran,

    March 4, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.