Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG Isra’iil oo Wajahaysa Culeys Dhaqaale Kadib Dagaalkii Iraan 

    June 28, 2025

    Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Qadar

    June 28, 2025

    Taliyaha Ciidanka Lugta… Taliyaha Ciidanka Lugta Uganda oo tagey furimaha hore ee dagaalka AS

    June 28, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Qadar

      June 28, 2025

      Taliyaha Ciidanka Lugta… Taliyaha Ciidanka Lugta Uganda oo tagey furimaha hore ee dagaalka AS

      June 28, 2025

      Akhriso:- Dagaal khasaare dhaliyay oo ka socda Caabudwaaq

      June 28, 2025

      Qadar ma ku guulleysan kartaa dib u billaabida Wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland?

      June 28, 2025

      DEG DEG Isra’iil oo Wajahaysa Culeys Dhaqaale Kadib Dagaalkii Iraan 

      June 28, 2025

      Ruushka oo 10 qodob ku soo koobay waxa Maraykanku ka faa’iiday weerarradii xalay Iraan

      June 22, 2025

      DEG DEG mareeykanka oo Duqeeyay Xaruumihii Nuyukleeyrka Iiraan

      June 22, 2025

      DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

      June 18, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      DEG DEG Isra’iil oo Wajahaysa Culeys Dhaqaale Kadib Dagaalkii Iraan 

      June 28, 2025

      Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Qadar

      June 28, 2025

      Taliyaha Ciidanka Lugta… Taliyaha Ciidanka Lugta Uganda oo tagey furimaha hore ee dagaalka AS

      June 28, 2025

      Akhriso:- Dagaal khasaare dhaliyay oo ka socda Caabudwaaq

      June 28, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

    Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comApril 6, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Khabiir sare oo arrimaha bani’aadannimada ah kana tirsan Qaramada Midoobay oo ku sugan dalka Haiti ayaa ka digay in dalkan uu cagta saaray inuu la mid noqdo “sida Soomaaliya kuna jiro marxaladihiisii ugu xumaa” kadib markii sare u kaca rabshadaha burcaddu ay ku qasbeen tobnaan kun oo qof inay qaxaan isla markaana ay caasimaddiisu ka go’do dunida inteeda kale.

    Keliya muddo bil ah kadib markii kacdoonka burcaddu uu billowday, William O’Neill – oo ah qareen arrimaha bani’aadannimada una dhashay Mareykanka oo u safrayay Haiti wax ka badan 30 sano – ayaa walaac ka muujiyay xaaladda ka sii dareysa ee caasimadda Port-au-Prince.

    Garoonka caalamiga ah ayaa xiran tan iyo billowgii March sababo la xiriira rabshadaha, ajaanibta ayaa looga saaray helikobtarro, dagaalyahanno burcad ah oo aad u hubeysan ayaana weli fowdada sii wada, iyagoo weerarro ku qaada iskuullada, jaamacadaha, isbitaallada, bankiyada iyo ganacsiyadaba.

    Arbacadii waxaa xatooyo iyo dhicitaan lagula kacay matxafka qaranka.

    Dadka ayaa la arkayay iyagoo qaadanaya haraaga gawaari dhex yaalla dukaan ay burcadda hubeysan dab ku qabadsiiyeen Port-au-Prince, 25 March 2024.

    Tobnaan kun oo qof ayaa ka qaxay caasimadda Haiti ee Port-au-Prince, si ay uga baxsadaan burcadda hubeysan.

    QM ayaa ku qiyaastay in in ka badan 53,000 ay ka baxeen magaalada oo ay ku nool yihiin 3m intii u dhaxeysay 8-27 March.

    Waxay QM ka digeysaa in gobollada miyiga oo ay dad badan u qaxeen aysan u diyaarsaneyn inay la tacaalaan qulqulkaas faraha badan ee barakacayaasha.

    Burcadda ayaa sii wadda beegsashada ganacsiyada, farmashiyeyaasha iyo iskuullada.

    Booliiska qaranka Haiti ayaa Isniintii iska caabbiyay weerar lala maagganaa madaxtooyada balse rag hubeysan ayaa galay Isbitaalka Haiti ee Jaamacadda Qaranka oo u dhow, si ay uga dhigtaan xarun talis.

    O’Neill kuma cusba xaaladaha ammaan ee caqabadaha leh, isagoo kasoo shaqeeyay Rwanda, Sierra Leone, Kosovo, Bosnia, Nepal iyo Suudaanta Koofureed. Balse wuxuu la amakaagay sida ay gebi ahaanba burcad meesha uga saareen maamulkii Haiti taasoo bilaabatay 29 February kuna qasbay raysal wasaate Ariel Henry, inuu is casilo isagoo dibadda ku maqan.

    Haiti ayaa doorashadiisii ugu dambeysay qabtay 2016 mana uusan lahayn madaxweyne tan iyo 2021 markii Jovenel Moïse lagu dhex dilay gurigiisa Port-au-Prince. Haiti haatan malaha wax saraakiil lasoo doortay.

    Isbitaalka ayaa la xiray bishii lasoo dhaafay sababo la xiriira rabshadaha waxaana qorshuhu ahaa in Isniintii dib loo furo.

    Haiti

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Xasilooni darrada joogtada ah, hogaamiyayaal kaligood talis ah iyo dhibaatooyinka ka dhasha masiibooyinka dabiiciga ah ayaa waxay Haiti u horseedeen in uu noqdo dalka ugu saboolsan qaaradaha Amerika.

    Waxaa sare u kacay weerarada ay geystaan burcadda iyo falalka afduubka ah iyadoo heerka maciishadda dalkaas ay hoos u dhacay oo ku dhawaad boqokiiba 60 dadweynaha ay ku nool macluul.

    Dhulgariirkii ka dhacay Haiti 2010 ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 200,000 oo qof, halka uu burburiyay kaabayaashii dhaqaalaha ee dalkaas.

    Ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socday Qaramada Midoobey ayaa la geeyay Haiti sanadkii 2004 si xaaladda amni darrada ah ay wax uga qabtaan balse waxaa ciidamadaas laga soo saaray sanadkii 2017.

    Qaabkee loo dilay madaxweynihii Haiti?

    Haiti

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Qoraalka sawirka,Madaxweynihii Haiti ee la dilay, Jovenel Moïse

    Dablay aan la aqoonin ayaa gashay guriga madaxweynihii dalkaas, Jovenel Moïse, 7-dii July 2021, qiyaastii 01:00 habeennimo. Waxaa la sheegay inay ahaayeen ajnebi ku hadlayay luuqadaha Ingiriiska iyo Spanish. Haiti waxaa looga hadlaa kuuqadaha faransiiska iyo Creole.

    Wararka qaar ayaa sheegayay in raggu ay ku lebsinaayeen dhar madow iyagoo iska dhigayay inay yihiin ciidammada gaarka ah ee la dagaalanka muqaaradka ee Mareykanka. Ilaa iyo hadda ma jiraan warar rasmi ah oo arrintaa xaqiijiyay.

    Safiirka Haiti ee Mareykanka, Bocchit Edmond, ayaa sheegay inaysan jirin qaab ay ciidammada gaarka ah ee Mareykanka uga dambeyn karaan weerarkaasi. Wuxuu sheegay inay ka dambeeyaan calooshood u shaqeystayaal.

    Bishii February ee sanadkan, garsoore ku sugan Haiti ayaa haweeneydii uu ka geeriyooday Jovenel Moïse ku eedeeyay inay xiriir la leedahay dilkiisa.

    Martine Moïse, oo qudheeda ku dhaawacantay weerarkii lagu dilay seygeeda, ayaa ka mid ahayd dhowr qof oo lagu eedeeyay dilka kadib baaritaan qaatay labo sano.

    Sida ku xusan dukumenti sharciyeed ay warbaahintu soo dusisay, waxaa lagu eedeeyay ka qeyb noqoshada qorshaha dilka.

    Iyadu amaba qareenkeeda midnakama hadlin eedeymahaas.

    Haiti

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Qoraalka sawirka,Martine Moïse (oo la hadleysa wiilkeeda) ayaa ku dhaawacantay weerarkii lagu dilay seygeeda

    Jovenel Moïse, oo ahaa 53 jir, wuxuu awoodda Haiti la wareegay bishii February ee sanadkii 2017 kadib markii uu xilka ka degay ninkii isaga ka horreeyay Michel Martelly.

    Intii uu xilka hayay wuxuu wajahay eedeymo ku aaddan musuq maasuq, waxaana dalka ka dhacay mowjado dibadbaxyo oo looga soo horjeeday xukuumaddiisa kuwaas oo looga codsanayay in uu iscasilo.

    Mucaaradka Haiti waxay ku andacoodeen in muddo xileedka madaxweynaha la dilay uu ku ekaa 7-dii bishii February ee sanadkaas la dilay.

    Wuxuu madaxweynaha la dilay ku dooday in sanad ay uga dhiman tahay muddo xileedkiisa.

    Bishii February, isla sanadkaas markii mucaaradka ay ku cadaadiyeen in uu iscasilo, madaxweynaha la dilay wuxuu xilligaas sheegay in la fashiliyay isku day lagu doonayay in dowladda lagu afgembiyo.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

    May 31, 2025

    Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

    May 24, 2025

    Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

    May 12, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG Isra’iil oo Wajahaysa Culeys Dhaqaale Kadib Dagaalkii Iraan 

    June 28, 2025

    Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Qadar

    June 28, 2025

    Taliyaha Ciidanka Lugta… Taliyaha Ciidanka Lugta Uganda oo tagey furimaha hore ee dagaalka AS

    June 28, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.