Close Menu
    What's Hot

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026

    Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

    February 22, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

      February 22, 2026

      DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

      February 22, 2026

      Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

      February 22, 2026

      Dowlad Goboleedyada wakhtigu ka dhamaaday waa inay qabsadaan Doorasho dadban”, Golaha Mustaqblka Soomaaliyeed.

      February 21, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

      February 22, 2026

      DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

      February 22, 2026

      Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

      February 22, 2026

      Dowlad Goboleedyada wakhtigu ka dhamaaday waa inay qabsadaan Doorasho dadban”, Golaha Mustaqblka Soomaaliyeed.

      February 21, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Dalka horay u mamnuucay TikTok iyo PUBG Haddana mamnuucaya Facebook iyo sababta keentay

    Dalka horay u mamnuucay TikTok iyo PUBG Haddana mamnuucaya Facebook iyo sababta keentay

    By radiohalgan.comApril 9, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Guddiga caalamiga ah ee taageerada saxafiyiinta ee “CPJ” ayaa ugu baaqay xukuumadda Taliban ee Afgaanistaan inay ka tanaasusho qorshaheeda xaddidaya ama mamnuucaya aaladda Facebook.

    Najibullah Haqqani, oo ah madaxa maaliyadda ee wasaaradda isgaarsiinta iyo tignoolajiyada ee xukuumadda Taliban ayaa wareysi uu siiyay taleefishin ku sheegay in uu sameeyay istaraatiijiyad lagu xadidayo ama lagu mamnuucayo isticmaalka Facebook ee dadka Afgaanistaan.

    Ururka caalamiga ah ee taageera saxafiyiinta ayaa sheegay in xayiraadda lagu soo rogay Facebook-ga ay sii carqaladayn doonto habka loo maareynayo xogta shacabka.

    Najibullah Haqqani ayaa wareysiga uu bixiyay uu bixiyay saddex maalmood ka hor ku sheegay in la soo gabagabeeyay qorshaha lagu xadidayo isticmaalka Facebook ee dadka Afgaanistaan ama gabi ahaanba lagu mamnuucayo.

    Haqqani waxa uu ku dooday in xiritaanka Facebook-ga ay gacan ka gaysanayso in laga hortago β€œwaqtiga iyo hantida dhalinyarada ee lumaya” iyo in la xakameeyo soo bandhigidda waxyaabaha anshax darrada ah.

    Haqqani waxa uu walaac ka muujiyay xaaladda dhalinyarada Afgaanistaan, isaga oo ku sifeeyay kuwa β€œinta badan aan waxna qorin waxna akhriyin”, waxa uuna dhaleeceeyay isticmaalka baraha bulshada ee looga faa’iideysanayo shirkadaha dhaqaalaha ku bixiya.

    Inkastoo aan la shaacin waqtiga cayiman oo qorshahan lagu fulinayo, haddana Haqqani ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tignoolajiyada ay diyaarineyso siyaasad lagu dhaqan gelinayo xayiraadda Facebook ee Afgaanistaan.

    Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada ay waxbarashadu u leedahay dhalinyarada Afgaanistaan mudada ay ku jiraan shabakadaha bulshada.

    Ku dhawaaqistani waxay daba socotaa dardaaran ka yimid Mullah Hibatullah Akhundzada, hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Taliban, oo faraya golaha wasiirada inay tixgeliyaan soo jeedinta lagu joojinayo isticmaalka Facebook.

    Facebook

    XIGASHADA SAWIRKA,BNA

    Qoraalka sawirka,Dhallinyarada oo la sheegay in uu galaaftay

    Bayh Leahi, oo ah madaxa isku xirka barnaamijka guddiga taageerada suxufiyiinta ee Asia, ayaa sheegaysa in Facebook-ga iyo warbaahinta online-ka ahba ay ka caawisay Afdhanistan waxyaabo badan oo la xiriira arrimaha bulshada iyo nolosha.

    Sida lagu sheegay bayaanka Ms. Bayh ee ay daabacday CPJ, soo jeedintan ayaa wiiqaysa xayiraadaha sii kordhaya iyo faafreebka ay Taliban ku hayaan warbaahinta.

    Si kastaba ha ahaatee, afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa u sheegay bulshada in Facebook-ga aan la xannibi doonin, balse xayiraad lagu soo rogi doono.

    Xukuumadda Taliban ayaa horay u mamnuucday TikTok iyo ciyaarta ay dhallinyaradu aadka u xiiseeyaan ee PUBG.

    Facebook ayaa ah midka ugu isticmaalka badan Afgaanistaan, waana mid kamida aaladaha baraha bulshada ee ugu caansan dalkaasi, oo ay u badan yihiin dhalinyarada.

    Taliban ayaa tan iyo markii ay la wareegeen gacan ku heynta dalka Afghanistan waxa ay mamnuuceen wax yaabo badan oo si caadi ah looga isticmaali jiray dalkaasi.

    Waxbarashada saree e dumarka ayaa kamid iyadoo dhowr mar garoomada dyaaradaha lagasoo celiyay dumar qorsheynayay in ay waxbarasho u aadaan dalka dibaddiisa.

    Dhacdadan ayaa waxaa cambaareeyay hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo haweenka iyo hay’ado kala duwan oo ay ku jiraan kuwa Afgaanistaan, waxayna soo saareen hadallo kala duwan oo ka dhan ah xayiraadda gabdhaha ee waxbarashada.

    Facebook

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Taliban ayaa sidoo kale Mamnuucay lacagaha qalaad ee dalkaasi laga isticmaali ama lagu kala sarrifi jiray.

    Taliban ayaa goor hore shaacisay in dalka Afghanistan ay ka mamnuucday isticmaalka dhammaan lacagaha qalaad.

    Ururka ayaa ku amray shacabka Afghanistan inay isticmaalaan oo keliya lacagta dalka ee Afghani loo yaqaan. Waxa ay sheegeen in ciddii jebiso amarka la marsiin doono sharciga.

    Taliban ayaa go’aankeeda ku tilmaantay mid dan u ah dalka, isla markaana ay lacagaha qalaad dhibaato ku yihiin dhaqaalaha Afghanistan.

    Lacagaha qalaad ayaa si weyn looga isticmaali jiray guud ahaa Afghanistan. Dollar-ka ayaa ahaa lacagta ugu badan ee laga isticmaalo suuqyada dalka, halka magaalooyinka xuduudda ahna ay isticmaalaan lacagaha dalalka deriska la’ah.

    Dhaqaalaha Afghanistan ayaana wiiqmay tan iyo markii uu xukunka la wareegay ururka Taliban, maadaama ay meesha ka baxday taageerada caalamiga ah oo ahayd malaayiin dollar, isla markaana ay joogsatay lacagtii amaah ahaanta loo siin jiray.

    BBC SOMALI XIGASHO

     

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

    February 8, 2026

    Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

    January 31, 2026

    𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

    January 31, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026

    Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

    February 22, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.