Isbahaysiga NATO ayaa la ogaaday in lacagtii ugu badnayd sanadahaan uu ku bixiyay dhinaca difaaca maadaama Dalalka xubnaha ka ah Ururkaan ay cabsi wayn soo foodsaartay tan iyo markii uu Ruushka si toos ah u weeraray Ukraine.
NATO ayaa dhaqaale badan gelisay dhinaca Difaaca waxaana ugu badan waddamada ugu dhow dhinaca Ruushka ee wajahaya xaaladaha welwelka ah, si loo yareeyo cabsidaas waxa uu Isbahaysigaan sameeyay tallaabooyin muhiim u ah.
Xoghayaha Gaashaanbuurta NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in sannadkaan uu u yahay sanadkii Dalalka dhaca Qaaradda Yurub ee xubnaha ka ah Isbahaysigaan ay dhinaca Difaaca ku bixiyaan kharashka ugu badan ee ka baxay.
Lacagta dhinaca Difaaca loo adeegsaday ayuu ku sheegay $380 Bilyan oo Doollar taasi oo ka dhigan lacagtaas badan ay ku baxday dhinaca amniga oo xaalado soo kordhay ay aasaas u noqdeen cabsida iyo dareenka gaarka ah ee laga muujinayo.
Xoghaye Jens ayaa dhanka kale ka digay sii socoshada dagaallada aan dhammaadka lahayn ee meelo badan oo caalamka ah kasii ololaya waxaana uu soo jeediyay in la kordhiyo mas’uuliyadda ballaaran ee saaran dhinacyada ku lugta leh.
Ruushka ayaa horay ugu goodiyay Dalalka deriska la ah ee xadka ay wadaagaan kuwaas oo si toos ah u garab istaagay Ukraine, waxa ay Dalalkaas xubno ka yihiin Gaashaanbuurta NATO oo waxa ay ku tashanayaan heshiiska Ururkaas oo ah in mid kamid ah xubnaha haddii lagu duullo in la garab istaago oo dagaalka lala galo.