Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Ruushka oo 10 qodob ku soo koobay waxa Maraykanku ka faa’iiday weerarradii xalay Iraan

    June 22, 2025

    DEG DEG mareeykanka oo Duqeeyay Xaruumihii Nuyukleeyrka Iiraan

    June 22, 2025

    DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

    June 18, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweyne Deni oo bil kadib soo dhaweeyay Golaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

      June 15, 2025

      MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XILKA AGAASIMAHA NISA U WAREEJIYEY MUDANE MAHAD MAXAMED SALAAD

      June 14, 2025

      RW Xamse oo daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12aad.

      June 14, 2025

      DEG DEG Ciidanka Puntland oo qabtay nin u dhashay Turkiga oo Daacish katirsanaa.

      June 14, 2025

      Ruushka oo 10 qodob ku soo koobay waxa Maraykanku ka faa’iiday weerarradii xalay Iraan

      June 22, 2025

      DEG DEG mareeykanka oo Duqeeyay Xaruumihii Nuyukleeyrka Iiraan

      June 22, 2025

      DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

      June 18, 2025

      DEG-DEG | Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay weerar culus oo cusub:

      June 18, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Ruushka oo 10 qodob ku soo koobay waxa Maraykanku ka faa’iiday weerarradii xalay Iraan

      June 22, 2025

      DEG DEG mareeykanka oo Duqeeyay Xaruumihii Nuyukleeyrka Iiraan

      June 22, 2025

      DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

      June 18, 2025

      DEG-DEG | Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay weerar culus oo cusub:

      June 18, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Dalalka u yeeray safiiradooda Iran iyo Israa’iil oo sheegtay waxa ay ka samaynayso weerarkii lagu qaaday

    Dalalka u yeeray safiiradooda Iran iyo Israa’iil oo sheegtay waxa ay ka samaynayso weerarkii lagu qaaday

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comApril 16, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Beljimka ayaa ku biiraya dhowr waddan oo kale oo u yeeray safiirkooda Iran weerarka Tehraan ee Israa’iil awgii.

    Wasiirka arrimaha dibadda Beljimka Hadja Lahbib ayaa tiri: “Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay is xakameeyaan, xiisadda gobolka waa in laga fogaado.”

    Jarmalka, Faransiiska iyo Czech Republic ayaa horey u shaaciyay in ay u yeeri doonaan ergada Iran ee dalalkooda ku sugan, taasoo sii kordhineysa cadaadiska caalamiga ah ee saaran Tehran.

    Dhanka kale, Netherland ayaa sheegtay in ay dib u fureyso safaaradeeda Tehraan maalinta berito ah kadib markii ay u xirtay muddo labo maalmood ah sababo amaan dartood.

    Hase yeeshee, waxay ku dartay: “Amniga wakiillada ayaa si dhow loola socdaa, taasoo ka dhigan suurta galnimada in mar kale dib loo xiro.”

    Czech Republic ayaa u yeedhay safiirkeeda Iran ka dib weerarkii Iran ku qaaday Israel Sabtidii.

    “Diblamaasiyadda Czech waxay si cad ugu sheegtay Iran in ay ka gudubtay dhammaan khadadka iyadoo weerartay Israa’iil,” Wasiirka Arrimaha Dibadda Czech Jan Lipavsky ayaa sidaas soo dhigay barta X.

    “Maamulka Iran waxa uu halis gelinayaa xaaladda ammaan ee gobolka.”

    Waxay timid ka dib markii Jarmalka iyo Urdun ay sidoo kale u yeereen safiiradooda Iran.

    Jarmalka iyo Urdun ayaa labaduba u yeeray safiiradooda Iran kadib weerarkii Iran ku qaaday Israa’iil Sabtidii.

    U yeerida Urdun ayaa daba socotay waxa wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas uu ugu yeeray “hadallo gaf ah” warbaahinta Iran ka dib markii boqortooyadu ay faragelisay gantaallada Iran iyaga oo ay weheliyaan Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska dhamaadkii usbuuca.

    Dowladda Iran ayaa shalay u yeertay wakiillada Jarmalka, Faransiiska iyo Ingiriiska si ay uga jawaabaan mowqifkooda weerarkii Iran ay ku qaadday Israa’iil dhammaadkii isbuucii hore.

    Saddexda waddan ee Yurub ayaa cambaareeyey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran iyo gantaallada ka dhanka ah Israa’iil, kuwaas oo socday habeenkii Sabtida ilaa Axaddii, isla markaana ay uga aargoosanayeen duqeyntii Israa’iil ay ku qaadday qunsuliyadda ay ku leedahay Suuriya 1-dii Abriil.

    goob uu ku dhacay gantaal Iran lagasoo tuuray

    XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

    Qoraalka sawirka,goob uu ku dhacay gantaal Iran lagasoo tuuray

    Agaasimaha Galbeedka Yurub ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa ku eedeeyay saddexda waddan “laba wajileyn” iyagoo ka soo horjeestay horraantii bishan bayaan uu soo diyaariyay Ruushka oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo lagu cambaarayn lahaa weerarka Israa’iil ay ku qaadday dhismaha safaaradda Iran ee Suuriya.

    “Tallaabooyinka Milatari ee Iran ay ku qaaday saldhigyada taliska Sahyuuniyadda (Israa’iil) waa mid si wanaagsan ugu dhex jira nidaamka difaaca saxda ah ee ku qeexan qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, waxayna jawaab u tahay fal-dambiyeedyo dhowr ah oo uu ka mid yahay weerarkii dhawaan lagu qaaday safaaradda. xarunta Suuriya,” ayey sarkaalka kasoo xigatay wakaladda wararka ee Reuters.

    Tan aya kusoo aadday iyada oo la sugayo waxa kasoo baxay golaha dagaalka ee Israa’iil oo arrinkan ka shirayey, hase yeeshee fiidnimadii Isniinta ayey ku dhawaaday Israa’iil in weerarka Iran uu jawaab la kulmi doono”.

    Isagoo kula hadlayay saxafiyiinta garoonka diyaaradaha ee Nevatim, Herzi Halevi, oo ah madaxa ciidamada difaaca Israa’iil (IDF), ayaa sheegay in weeraradii Iran ee isbuucaan dhamaadkiisa “ay la kulmi doonaan jawaab”.

    Hadalkiisa ayaa imaanaya kadib markii golaha wasiirada dagaalka ee Israa’iil ay kulmeen si ay uga fiirsadaan jawaabta ay Israa’iil u dirayso Tehran oo soo ridday in ka badan 300 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo isugu jira.

    Halevi wuxuu sheegay in Israa’iil ay eegayso ayna ka fiirsanayso tillaabooyinka xiga.

    “Gantaladan faraha badan ee gantaalada cruise-ka, iyo UAV-yada lagu soo riday dhulka Dawladda Israa’iil waxay la kulmi doontaa jawaab,” ayuu raaciyay.

    Si kastaba ha aahatee Maraykanka ayaa isku dayaya in aysan xiisaddu sii fidin isaga oo kala hadlay dalalka gobolka.

    BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Ruushka oo 10 qodob ku soo koobay waxa Maraykanku ka faa’iiday weerarradii xalay Iraan

    June 22, 2025

    DEG DEG mareeykanka oo Duqeeyay Xaruumihii Nuyukleeyrka Iiraan

    June 22, 2025

    DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

    June 18, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Ruushka oo 10 qodob ku soo koobay waxa Maraykanku ka faa’iiday weerarradii xalay Iraan

    June 22, 2025

    DEG DEG mareeykanka oo Duqeeyay Xaruumihii Nuyukleeyrka Iiraan

    June 22, 2025

    DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

    June 18, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.