Dalal badan ayaa si rasmi ah Soomaaliya uga cafiyay Deymihii ay ku lahaayeen waqti dheer kaddib markii Dowladda Federaalka ay buuxisay dhammaan Shuruudihii lagu xiray in looga dhaafi karo Deyntaas si ay markale maalgelin kale u hesho.
Waddamadaas waxa ay kala yihiin: Faransiiska, Denmark, Japan & Maraykanka, waxaa jira Dalal kale oo la filayo dhowaan in ay saxiixaan heshiiska ay ku cafinayaan deyntaas ay ku leeyihiin Soomaaliya sida ay sheegeen ilo kala duwan.
Dalal badan oo Deyn ku leh Soomaaliya ayaa qaarkood ku bahoobay hal Urur oo lagu magacaabo Paris Club halka qaar kale ay iyaga oo madaxbannaan ay la xaajoodeen Dowladad Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Faransiiska ayaa Soomaaliya ka cafisay lacag dhan $145.6 Milyan oo Doollar kaddib markii kulan dhexmaray Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Iimaan Cige & Danjiraha Faransiiska u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ay ku kala saxiixdeen heshiiskaas.
Denmark waxa ay Soomaaliya ka cafisay $17 Milyan oo Doollar, Safiirka Dowladda Denmark u jooga Soomaaliya Steen Sonne Andersen ayaa ku dhawaaqay arrintaan kaddib markii uu la kulmay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige.
Safiirka Dowladda Japan ee Dalka Kenya OGIHARA Hiroshi ayaa qudhiisa qallinka ku duugay heshiiska Dowladdiisa ay Soomaaliya uga cafisay deyntii ay ku lahayd oo gaareysay $90 Milyan oo Doollar sida uu hadalka u dhigay.
Maraykanka waa Dalka 4aad ee Cafiyay Deyntii uu ku lahaa Soomaaliya, in ka badan $1 Bilyan oo Doollar ayuu sheegay in uu dhaafay, Danjiraha Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley ayaa ku dhawaaqay heshiiskaan.
Dhammaadkii sanadkii hore 2023, Soomaaliya waxaa la shaaciyay in laga cafiyay dayntii waqtiga dheer ku taagnayd kaddib markii ay soo buuxisay shuruudihii la hordhigay, tan iyo xiligaas waxaa socday kulamo lagu dhammeystirayo geediga loo galay dayn cafintaas.