Turkigu waa mid ka mida dalalka ay Soomaali badan ku nool yihiin, kuwaas oo isugu jira kuwa degaan ahaan u doortay, kuwa ganacsi u jooga iyo arday waxbarasho kaga jira jaamacada dalkaasi.
Tan iyo 2010-kii Soomaali badan ayuu sidoo kale Turkigu u noqday marin muhiima oo ay ugu gudbaan dalalka qaarada Yurub. Sidaas oo kale ganacsato Soomali ahaa maalgalin ganacsi ka samaystay dalka Turkiga.
Waxaase suura gal ah in wali Soomaali badan maanka ku hayaan inay tagaan Turkiga balse ka waran haddii ay soo kordhayaan tirade muwaadiniinta u dhashay dalkaas ee magan galyada waydiisanaya dalalka Midowga Yurub.
Warbixin cusub oo soo baxday sanadkaan ayaa muujisay in heerkii ugu saraysay ay gaartay kororka dadka u dhashay Turkiga ee dalalka Yurub u aadaya inay magan galyo ka helaan.
Tirada ayaa sanadkii la soo dhaafay ee 2023-kii kor ugu kacday intii hore iyadoo gaartay boqolkiiba siddeetan halka markii danbe codsiyada dalbashada magan galya doonto dadka Turkida ah ay gaartay ilaa boqol iyo kow kun oo codsi.
Laakiin codsiga dalbashada waxaa dalalka Yurub ay ka aqbaleen tiro aad u yar oo gudbistay. Tani waxay ku dhow dahay tirada dadka u dhashay Siiriya iyo Afqanistaan ee si lamida magan galyada waydiisanayaa dalalka qaarada Yurub ku yaal.
Waxay intaas warbixinadu ku darayaan in mar kale tirada codsiyada magangalyada ee wadamada Yurub ee ay dalbadeen muwadiniinta Turkigu aad u kordhay sanadkii hore taas oo gaartau ku dhawaad 1 milyan 57 kun oo qof
Bishii November, codsiga la gudbiyey waxaaa lagu sheegay inay yihiin ilaa boqol iyo siddeed iyo toban kun ayna aad u kordheen taas oo ku dhow tiradu codsigayada magan galyo doonka ee Yurub ee sanadkii 2015-kii markaas oo qulqulka qaxootigu qaarada faro ba’an ku hayey.
Dowlada Jarmalka ayaa kalinta kowad ku lahayd dalabyada magan galya doonka iyadoo diiwan galisay 335 kun oo codsi magangalyo, 167 kun oo qof ayaa magangalyo ka dalbaday Faransiiska, 162 kun oo Spain ah iyo 136 kun oo Talyaani ah.
Marka loo eego xogta EUAA, muwaadiniinta Turkiga ayaa ah kooxda saddexaad ee ugu badan marka la eego codsiyada magangalyo doonka.
“Codsiyada muwaadiniinta Turkiga ayaa kordhay gaar ahaan bishii November ee la soo dhaafay, waxaana bishaas, muwaadiniinta Jamhuuriyadda Turkiga ay noqdeen kooxda labaad ee ugu badan ee magangalyo doonka ah marka laga reebo Suuriyaanka” ayaa lagu yiri warbixinta.
Sannadkii hore, lixdan boqolkiiba qiyaastii 101 kun oo muwaadiniin Turki ah oo magangelyo weydiistay dalalka Yurub ayaa doorbiday dalka Jarmalka.
Dhanka kale iyadoo ay socdaan kororta tirad muwaadiniinta Turkiga ee magan galyada waydiisanaya Yurub waxaa barbar socota diidmada codsiyadooda afartii sano ee la soo dhaafay.
Warbixintu waxa ay sheegtay in weeraradii Xamaas ay ku qaaday Israa’iil 7-dii October iyo dagaalkii ka dambeeyay ee Qasa ay sababeen barakaca dadka reer Falastiin oo dalalka Midowga Yurub aanay u aqoonsanayn dawlad.
Tirada codsiyada ay soo gudbiyeen dadka reer Nigeria, Georgians iyo Afqaanistaan ayaa aad hoos ugu dhacay 2023 marka loo eego 2022.
Sida laga soo xigtay Hay’adda Ammaanka Xuduudaha ee Midowga Yurub (Frontex), socdaalka dhanka xuduudaha ee sharci darrada ah ee sandkii tagay 2023 ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyay tan iyo 2016-kii.
Dagaalkii Ruushka ka dib, Yukreeniyaan waxay noqdeen muwaadiniin leh xaquuqda ugu saraysa ee ilaalinta dalalka Midowga Yurub.
Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga
Dowladda madaxweyne Erdogan ayaa sanadihii ugu dambeeyay xiriir dhow la lahayd Soomaaliya.
In ka badan toban sano kahor, markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo xilligaas ahaa raysal wasaare, ayaa booqasho ku tagtay magaalada Muqdisho, wuxuu xilligaas noqday hoggaamiyihii ugu sarreeyay ee aan Afrikaan ahayn oo booqda Soomaalida.
Xilligaas Soomaaliya waxay wajaheysay xaalad abaar oo ba’an, waxaana booqashada Erdogan ay Soomaaliya kusoo jiidday indhaha caalamka.
Muhiimadda Turkiga ee Soomaaliya ayaa xilligaas ahayd in gargaar bani’aaannimo uu gaarsiiyo dadka ay saameysay abaarta, oo ahayd tii ugu ba’neyd ee soo marta Soomaaliya muddo 60 sano ah.
Si ay u fududaato gargaarka la gaarsiinayo dadkaas, wuxuu Turkigu bilaabay inuu mashaariic waddooyin iyo kaabayaal kale ka hirgeliyo dalka, iyadoo safaaradda Turkigana laga furay Muqdisho.
Ururrada dowladiga ah iyo kuwa bulshada rayidka ee Turkiga ayaa gargaar bani’aadannimo gaarsiinayay Soomaaliya, iyagoo dhisayay iskuullo deeq waxbarashadana siinayay ardayda S