Bariga Dhexe waxaa isu bira-tumanaya Dalal in muddo ah uruursanayay hubkooda casriga iyaga oo kaashanaya khibradda dhinaca sirdoonka ah ee dhanba dhanka kale uu ka helayo si uu awood ahaan u sii jiro.
Israaiil ayaa dhowr jeer samaysay weerarro gaadmo ah oo ay ku dishay saraakiil katirsan Maamulka gacanta ku haya awoodda maamuleed ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan oo loo arko mid kamid ah halista ugu wayn bariga Dhexe ee Yuhuuddu wajahayso.
Tehran waxa ay si cad u sheegtay in weerarrada lagu beegsaday saraakiisheeda lagu fuliyay diyaaradaha casriga ah ee Maraykanka sidaas awgeed ay ka aargudan doonto cid weliba oo ku lug leh dhacdooyinkaas aanay Iiraan farxad gelin.
Waxa ay Iiraan garab iyo gaashaan ka heleysaa Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo qudheeda kordhisay weerarrada ka dhanka ah Israaiil, Maraykanka, Ingiriiska iyo xulufadooda kale ee doonaya in agabka u socda dhulka Yuhuudda Xoogga ku haysato ee dhinaca badda.
Iiraan inkasta oo ay marar kala duwan iska fogayso in ay garab la wadaagto Xuutiyiinta Yemen iyo in ay siiso taageerro Militari haddana kama reebin in uu Maraykanka ku shabadeeyo in ay gacan gaar ah ku hayso kooxdaas.
Saldhigyada Iiraan ee Dalalka Lubnaan, Suuriya, Ciraaq iyo kuwo kale ayaa sanadihii u dambeeyay sii kordhayay waxaana ay halkaas ku tababartay Kooxo hubaysan oo si toos ah ugu xiran dhinaca Tehran.
Ruushka, Shiinaha & Kuuriyada Waqooyi ayaa qudhooda waxa ay wadaan olole ay isku xulufaysanayaan si ay isaga caabiyaan Maraykanka iyo Isbahaysigiisa waana dunta isku xiraysa cilaaqaadka Dalalkaan kor ku xusan.