Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saaka dib ugu qarxay galbeedka gobalka Mudug, gaar ahaan meel lagu magacaabo deegaanka Jiicboor oo ah dhul miyi oo 20-km u jira Goldogob.
Dagaalka ayaa la sheegayaa in uu u dhaxeeyo laba beelood oo wada dega oo soohimo wadaag ah, iyada oo laga soo sheegayo in tiro ka badan toban ruux in ay ku naf waayeen dagaalka, Dhaawacyo aad u badan ayay labada dhinac kala geeyeen Gaalkacyo iyo Galdogob, waxaana saacad walba sii kordhaya qasaaraha ka dhalanaya dagaalkan.
Dagaalkan oo todobaadkan soo laalaabtey ayaaa sababey dhimasho iyo dhaawac aad u badan, iyada oo maalmahii u dambeeyay uu wade Maamulka Galmudug fadhiyo loogu sameynayo dib u heshiisiin iyo dhexdhexaadin.
Dagaalkaan ayaa ku soo aadayo xilli ay todobaadyadii u dambaayay ay ka qarxeen degaal beeledyo u badan beelo wada dega, iyada oo wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ay ka soo saareysay baaqyo nabadeedyo beelaha ku wada dagaalamay Galmudug.