Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saacadihii la soo dhaafay ka socday inta u dhaxeysa deegaannada Yasooman iyo Aboorey ee gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa u dhaxeeya AS iyo ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda.
Wararkii dambeeyay ee halkaasi naga soo gaaraya ayaa sheegaya in weli dagaalka socdo, lamana oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay.
Maalmihii la soo dhaafay ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka ayaa dhaqdhaaqyo ka wada xadka gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.
Wixii warar ah ee ka soo kordha halkaan kala soco