Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025

      Raiisulwasaare Hamze iyo taliyaha cusub NISA Mahad Salad oo goordhow u ambabaxay dalka Jabuuti

      June 1, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Kenya

      May 26, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025

      Raiisulwasaare Hamze iyo taliyaha cusub NISA Mahad Salad oo goordhow u ambabaxay dalka Jabuuti

      June 1, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Dad ka badbaaday shil diyaaradeed oo cunay meydka asxaabtooda si ay u noolaadaan

    Dad ka badbaaday shil diyaaradeed oo cunay meydka asxaabtooda si ay u noolaadaan

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 20, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Kooxda Rugby-ga ee Old Christian Club oo ka socday Montevideo, Uruguay ayaa u kiraystay diyaarad Ciidanka Cirka ee Uruguay si ay ugu safraan Santiago, Chile13 October, 1972 .

    Waxay u safreen si ay ula ciyaaraan kooxda kale ee lagu magacaabi jiray Old Boys ee magaalada. Diyaaradda FH-227D, oo ay la socdeen 45 rakaab ah, ayaa mareysay buuraha Andes, halkaasi oo ay ku burburtay isla markaana waxaa ka dhashay dhimashada 12 qof.

    Ilaa 17 kale ayaa u dhintay maalmihii xigay dhaawacyo, cunto la’aan iyo daryeel xumo soo wajahday.

    Shilkan ayaa waxaa loogu magac daray “Mucjisada Andes” waxaana laga sameeyay filimka lagu baahiyay Netflix ee “The Snow Society.”

    Waa mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu yaabka badan taariikhda, sababtoo ah 16 qof ayaa ka badbaaday ka dib markii ay cuneen meydadka asxaabtoodii dhintay.

    Ilaa 16 kale ayaa waxaa la soo badbaadiyay 72 maalmood shilkaasi ka dib.

    Mid ka mid ah kuwa badbaaday, Roberto Canesa, ayaa hadda ah dhakhtarka wadnaha ee carruurta. Wuxuu waraysi siisay BBC, March 2016, ka dib markii uu soo saaray buuggiisa marqaatiga dhacdada.

    “Intii aanu hawada Andes ku jirnay waxa ay ahayd mid aad u daruuro badan. Hal mar ayaa mid ka mid ah shaqaalihii diyaaradda ku yiri rakaabkii “xirta suunka kursiga, waxaanu dhex maraynaa daruuraha, diyaaradduna way ruxmi doontaa.

    Runtii, diyaaraddu waxay bilowday inay ruxanto. Qof ayaa ii sheegay in aan daaqadda ka eego, diyaaraddu waxa ay ka mareysay meel aad ugu dhow buuraha.

    Diyaaradda ayaa isku dayday inay kacdo, balse waa ay burburtay, diyaaradda ayaa waxaa ka go’ay labada garab, waxayna bilowday inay buuraha ku dhacdo.

    Markii ay ugu dambeyntii istaagtay, ayaan si xoog ah u booday oo madaxa dhulka ku dhuftay, waxaan rumaysan waayay in diyaaraddu istaagtay.

    Waxaan arkay in lugahaygii ay weli shaqeynayan, gacmahaygiina ay weli jiraan, oo aan badbaaday.

    Waan rumaysan waayay, hareeraha ayaan eegay, wax walbana waa ay firirsanaayen, qaar ka mid ah asxaabta ayaa dhintay, qaarna waa ay dhaawacmeen, oo dhiig baxayeen, qaarna waxaa jirkooda ku jiray qaybo biro ah” ayuu yiri.

    “Waxaan is-iri waa inaan halkan ka baxaa, booliis baa iman doona, ambalaasyada ayaa iman doona iyo dab-damiyayaashii, waxaan aaday dabada diyaaradda”

    Diyaaraddii ayaa ka go’day markii aan barafka aaday aad ayaan uga murugooday sababtoo ah waxa aanu joognay bartamaha buuraha, waxaana ku hareeraysan shanqar la’aan.

    Ma jirin wax na caawiya

    “Duuliyaha ayaa nool, laakiin wuxuu ku xayiran yahay qolka diyaarada. Waa ay u soo saari waayeen oo waxa uu yiri ” qori ayaan rabaa.” Wuxuu rabay inuu is dilo, Habeenkii oo dhan xanuun buu la barooranayay, waanu ka soo saari waynay,” ayuu intaa ku daray Roberto Canesa .

    “Qabowga ayaa ahaa mid aad u daran, Maalintii xigtay, dhaawacii halis ahaa ayaa dhintay, Waxaan dareemay wanaag sababtoo ah waxaa dhaafay xanuunkii ay la uu rafaadsanaayeen”.

    Kuwii soo haray, waxaa jiray oo meesha yaalay oo kali ah dhagxaan iyo baraf, cunto ma jirin, waxaan dareemayay gaajo. Waxa gudahaaga ka jira dareen kuu sheegaya inaad wax cunto, Markaa waxaanu ku fikirnay inaanu cunno maqaarka kabaha ama xargaha.

    “Waxaan bilownay inaan calalinno maqaarka, laakiin waxaan dareennay inuu sun yahay, sababtoo ah waxay lahayd kiimikooyin badan markaa waanu sii wadi kari waynay,” ayuu inta ku daray.

    Cuniddii hilbaha bani’aadamka

    Nin baa yiri ” Waxaan u malaynayaa inaan waashay, sababtoo ah waxaan ku fekerayaa inaan cunno meydka saaxiibadayada.”

    “Waxay ugu jawaabeen waa waalan tahay, yeeli mayno, hilib dadna cuni mayno,”

    Waqtigaas, waxaan ahaa arday cilmiga caafimaadka barta, waxaan arkay hilib, dufan, borotiin, Way igu adkayd in aan qayb jirkooda ka mid ah gooyo.

    Mid kale ayaa yiri, “hadduu Ciise Masiix ku yiri cashada ugu dambaysa jidhkayga iyo dhiiggayga qaado.”

    Laakiin aniga iima ahayn cashadii iiigu dambeysay, inkastoo aan markaa la yaabbanaa waxa aan ku fikirayay oo ahaa haddii an ka mid ahaan lahaa kuwa dhintay.

    “Waxaan ku faani lahaa in jirkayga ay saaxiibbaday u isticmaaleen si ay ugu noolaadaan, maanta waxa aan dareemayaa in aan qayb ka mid ah jirka asxaabtayda uu igu jiro, waana in aan uga mahadceliyaa xasuustooda,” ayuu intaa ku daray.

    Cunista maydka si aad u noolaato waqti dheer aadna u badbaado, qaar way ku adkayd laakiin kuwa kale way u fududdahay.

    Markii hore waxay ahayd tijaabo ahaan, dabadeed waxaa caado noqotay in hilibka la gooyo oo inta kale la qaybsado.

    Sidee u arkeen qoysaska dadkii shilka ku dhintay?

    Qoysaskii dadkii shilka ku dhintay way na taageereen, may danayn waxa ku dhacay maydka, waxay daneeyaan wixii dhacay iyagoo nool.

    Waa arrin xiiso leh sababtoo ah dhacdadaas waxaan u maleynayaa inay jiraan laba shay. Sidaynu u noolaanay iyo sida aan u cunay maydadka.

    Dadku waxay dhahaan, waxaad ku badbaaday cunidda meydad,” sidii iyadoo aan ula kac u sameynay.

    Cunista maydka waxay ahayd uun iibsashada waqti aan ku sii noolaano, waaan ku badbaadnay sababtoo ah waxaan ahayn koox, waan wada shaqeynay, waan is caawinay.

    Waan ku badbaadnay sababtoo ah waxaan ka tagnay buuraha oo aan soconnay 11 maalmood, mid ka mid ah waxyaalihii ina caawiyay – waxaan ahayn koox, waan wada shaqeynaynay.

    “Markii aan buuraha ku jiray oo aan arkay saaxiibbaday oo dhintay, waxa aan ogaa in aan aniguna dhiman karo, waxaanan ogaaday sida uu u dhuuban yahay xadka u dhexeeya nolosha iyo geerida” ayuu yiri Roberto Canesa .

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.