Close Menu
    What's Hot

    ๐˜๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š?

    February 4, 2026

    DEG DEG.Musharax Farxaan Jimcaale ”Waxaan go’aansaday in aan ka baxo tartankan

    February 4, 2026

    Doorashada Gudoomiyaha gudiga Xuquul insaanka ayaa ka socota Muqdisho.

    February 4, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      ๐˜๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š?

      February 4, 2026

      DEG DEG.Musharax Farxaan Jimcaale ”Waxaan go’aansaday in aan ka baxo tartankan

      February 4, 2026

      Doorashada Gudoomiyaha gudiga Xuquul insaanka ayaa ka socota Muqdisho.

      February 4, 2026

      Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa sida ay u dhacday toogashada

      February 3, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐–๐ž๐ž๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ซ๐š๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐ž๐ž ๐ˆ๐ข๐ซ๐š๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฅ๐š๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      ๐˜๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š?

      February 4, 2026

      DEG DEG.Musharax Farxaan Jimcaale ”Waxaan go’aansaday in aan ka baxo tartankan

      February 4, 2026

      Doorashada Gudoomiyaha gudiga Xuquul insaanka ayaa ka socota Muqdisho.

      February 4, 2026

      Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa sida ay u dhacday toogashada

      February 3, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home ยป Dad ka badbaaday shil diyaaradeed oo cunay meydka asxaabtooda si ay u noolaadaan

    Dad ka badbaaday shil diyaaradeed oo cunay meydka asxaabtooda si ay u noolaadaan

    By radiohalgan.comJanuary 20, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Kooxda Rugby-ga ee Old Christian Club oo ka socday Montevideo, Uruguay ayaa u kiraystay diyaarad Ciidanka Cirka ee Uruguay si ay ugu safraan Santiago, Chile13 October, 1972 .

    Waxay u safreen si ay ula ciyaaraan kooxda kale ee lagu magacaabi jiray Old Boys ee magaalada. Diyaaradda FH-227D, oo ay la socdeen 45 rakaab ah, ayaa mareysay buuraha Andes, halkaasi oo ay ku burburtay isla markaana waxaa ka dhashay dhimashada 12 qof.

    Ilaa 17 kale ayaa u dhintay maalmihii xigay dhaawacyo, cunto laโ€™aan iyo daryeel xumo soo wajahday.

    Shilkan ayaa waxaa loogu magac daray “Mucjisada Andes” waxaana laga sameeyay filimka lagu baahiyay Netflix ee “The Snow Society.”

    Waa mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu yaabka badan taariikhda, sababtoo ah 16 qof ayaa ka badbaaday ka dib markii ay cuneen meydadka asxaabtoodii dhintay.

    Ilaa 16 kale ayaa waxaa la soo badbaadiyay 72 maalmood shilkaasi ka dib.

    Mid ka mid ah kuwa badbaaday, Roberto Canesa, ayaa hadda ah dhakhtarka wadnaha ee carruurta. Wuxuu waraysi siisay BBC, March 2016, ka dib markii uu soo saaray buuggiisa marqaatiga dhacdada.

    “Intii aanu hawada Andes ku jirnay waxa ay ahayd mid aad u daruuro badan. Hal mar ayaa mid ka mid ah shaqaalihii diyaaradda ku yiri rakaabkii “xirta suunka kursiga, waxaanu dhex maraynaa daruuraha, diyaaradduna way ruxmi doontaa.

    Runtii, diyaaraddu waxay bilowday inay ruxanto. Qof ayaa ii sheegay in aan daaqadda ka eego, diyaaraddu waxa ay ka mareysay meel aad ugu dhow buuraha.

    Diyaaradda ayaa isku dayday inay kacdo, balse waa ay burburtay, diyaaradda ayaa waxaa ka go’ay labada garab, waxayna bilowday inay buuraha ku dhacdo.

    Markii ay ugu dambeyntii istaagtay, ayaan si xoog ah u booday oo madaxa dhulka ku dhuftay, waxaan rumaysan waayay in diyaaraddu istaagtay.

    Waxaan arkay in lugahaygii ay weli shaqeynayan, gacmahaygiina ay weli jiraan, oo aan badbaaday.

    Waan rumaysan waayay, hareeraha ayaan eegay, wax walbana waa ay firirsanaayen, qaar ka mid ah asxaabta ayaa dhintay, qaarna waa ay dhaawacmeen, oo dhiig baxayeen, qaarna waxaa jirkooda ku jiray qaybo biro ah” ayuu yiri.

    “Waxaan is-iri waa inaan halkan ka baxaa, booliis baa iman doona, ambalaasyada ayaa iman doona iyo dab-damiyayaashii, waxaan aaday dabada diyaaradda”

    Diyaaraddii ayaa ka go’day markii aan barafka aaday aad ayaan uga murugooday sababtoo ah waxa aanu joognay bartamaha buuraha, waxaana ku hareeraysan shanqar la’aan.

    Ma jirin wax na caawiya

    “Duuliyaha ayaa nool, laakiin wuxuu ku xayiran yahay qolka diyaarada. Waa ay u soo saari waayeen oo waxa uu yiri ” qori ayaan rabaa.” Wuxuu rabay inuu is dilo, Habeenkii oo dhan xanuun buu la barooranayay, waanu ka soo saari waynay,” ayuu intaa ku daray Roberto Canesa .

    “Qabowga ayaa ahaa mid aad u daran, Maalintii xigtay, dhaawacii halis ahaa ayaa dhintay, Waxaan dareemay wanaag sababtoo ah waxaa dhaafay xanuunkii ay la uu rafaadsanaayeen”.

    Kuwii soo haray, waxaa jiray oo meesha yaalay oo kali ah dhagxaan iyo baraf, cunto ma jirin, waxaan dareemayay gaajo. Waxa gudahaaga ka jira dareen kuu sheegaya inaad wax cunto, Markaa waxaanu ku fikirnay inaanu cunno maqaarka kabaha ama xargaha.

    “Waxaan bilownay inaan calalinno maqaarka, laakiin waxaan dareennay inuu sun yahay, sababtoo ah waxay lahayd kiimikooyin badan markaa waanu sii wadi kari waynay,” ayuu inta ku daray.

    Cuniddii hilbaha bani’aadamka

    Nin baa yiri ” Waxaan u malaynayaa inaan waashay, sababtoo ah waxaan ku fekerayaa inaan cunno meydka saaxiibadayada.”

    “Waxay ugu jawaabeen waa waalan tahay, yeeli mayno, hilib dadna cuni mayno,”

    Waqtigaas, waxaan ahaa arday cilmiga caafimaadka barta, waxaan arkay hilib, dufan, borotiin, Way igu adkayd in aan qayb jirkooda ka mid ah gooyo.

    Mid kale ayaa yiri, “hadduu Ciise Masiix ku yiri cashada ugu dambaysa jidhkayga iyo dhiiggayga qaado.”

    Laakiin aniga iima ahayn cashadii iiigu dambeysay, inkastoo aan markaa la yaabbanaa waxa aan ku fikirayay oo ahaa haddii an ka mid ahaan lahaa kuwa dhintay.

    “Waxaan ku faani lahaa in jirkayga ay saaxiibbaday u isticmaaleen si ay ugu noolaadaan, maanta waxa aan dareemayaa in aan qayb ka mid ah jirka asxaabtayda uu igu jiro, waana in aan uga mahadceliyaa xasuustooda,” ayuu intaa ku daray.

    Cunista maydka si aad u noolaato waqti dheer aadna u badbaado, qaar way ku adkayd laakiin kuwa kale way u fududdahay.

    Markii hore waxay ahayd tijaabo ahaan, dabadeed waxaa caado noqotay in hilibka la gooyo oo inta kale la qaybsado.

    Sidee u arkeen qoysaska dadkii shilka ku dhintay?

    Qoysaskii dadkii shilka ku dhintay way na taageereen, may danayn waxa ku dhacay maydka, waxay daneeyaan wixii dhacay iyagoo nool.

    Waa arrin xiiso leh sababtoo ah dhacdadaas waxaan u maleynayaa inay jiraan laba shay. Sidaynu u noolaanay iyo sida aan u cunay maydadka.

    Dadku waxay dhahaan, waxaad ku badbaaday cunidda meydad,” sidii iyadoo aan ula kac u sameynay.

    Cunista maydka waxay ahayd uun iibsashada waqti aan ku sii noolaano, waaan ku badbaadnay sababtoo ah waxaan ahayn koox, waan wada shaqeynay, waan is caawinay.

    Waan ku badbaadnay sababtoo ah waxaan ka tagnay buuraha oo aan soconnay 11 maalmood, mid ka mid ah waxyaalihii ina caawiyay – waxaan ahayn koox, waan wada shaqeynaynay.

    “Markii aan buuraha ku jiray oo aan arkay saaxiibbaday oo dhintay, waxa aan ogaa in aan aniguna dhiman karo, waxaanan ogaaday sida uu u dhuuban yahay xadka u dhexeeya nolosha iyo geerida” ayuu yiri Roberto Canesa .

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    ๐˜๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š?

    February 4, 2026

    DEG DEG.Musharax Farxaan Jimcaale ”Waxaan go’aansaday in aan ka baxo tartankan

    February 4, 2026

    Doorashada Gudoomiyaha gudiga Xuquul insaanka ayaa ka socota Muqdisho.

    February 4, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    ๐˜๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š?

    February 4, 2026

    DEG DEG.Musharax Farxaan Jimcaale ”Waxaan go’aansaday in aan ka baxo tartankan

    February 4, 2026

    Doorashada Gudoomiyaha gudiga Xuquul insaanka ayaa ka socota Muqdisho.

    February 4, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.