Wararka ka imaanaya gobolka shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in dad cudurka Shuban-biyoodka ay ugu geeriyoodeen degaano katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, halka dad kale oo badan ay la jiifaan goobaha Caafimaad ee kuyaalla Gobolkaas.
Inta la xaqiijiyay laba Ruux ayaa cudurka ugu geeriyooday deegaanno hoosyimaada Degmada Aadan Yabaal ee Gobalka Sh/dhaxe, halka dhowr qoys oo kale cudurku soo ritay.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Aadan-yabaal ayaa Warbaahinta u sheegay in dadku ay walaac ka muujinayaan kororka xanuunka iyo Maamulka degmada Aadan-yabaal iyo kana Gobolka Shabeellaha Dhexe oo aan wadin dadaal lagu baxnaaninayo dadka uu soo ritay cudurka.
Degmada Aadan-yabaal iyo degaannada hoostaga ayaa badi laheyn Goobo caafimaad oo dadka lagu daaweeyo maadaama 15-kii Sano ee la soo dhaafay ay maamulayeen Al-Shabaab.
Waxay Shacabka ugu baaqeen Madaxda dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah inay la soo gaaran gurmad Caafimaad si loo badbaadiyo dadka uu xilligaan haayo cudurka Shuban-biyoodka.
Qaar badan oo kamid ah Gobolada dalka ayuu sidoo kale ka dilacay cudurka Shuban-biyoodka, iyada oo loo sababeynayo isbedelka cimilada ee dalka ka dhacday iyo arrimo kale.