Ugu yaraan 19 qof ayaa ku dhintay kaddib markii doonidii ay la socdeen ku degtay wabi ku yaala waqooyiga gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya.
Doonta ayaa dadka rakaabka ah ka qaaday webiga Tekeze, kaas oo mara xadka Itoobiya uu la wadaago Eritrea ka hor inta aysan u sii gudbin Suudaan oo ah halka ay ku kulmaan saddexda dal.
Saraakiisha gargaarka deg dega ayaa sheegay in ay doonida saarnaayeen 26 qof, toddobo qof oo uu ku jiro ilmo yar la soo badbaadiyay.
“Labo mayd oo kaliya ayaa la helay, dadka la soo badbaadiyay waxaa loo qaaday isbitaallada u dhow” ayuu yiri mid kamid ah Saraakiisha.
Webiga Tekeze ee dhibaatada ka dhacday ayaa ku yaalla gobolka Axmaarada Gobolka labaad ee ugu dadka badan Itoobiya, bilihii lasoo dhaafay waxaa taagna iska hor imaadyo u dhaxeeyay ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaad ka tirsan qowmiyadda Amxaarada ee loo yaqaan Fano.