Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa la la’yahay ka dib markii ay burburtay qayb ka mid ah buundada ku taalla gobolka Shaanxi ee waqooyiga Shiinaha iyada oo ay jiraan duufaano iyo daadad.
Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Shanglu. Dhammaan dhibanayaasha ayaa laga soo saaray shan baabuur oo ka dhacay buundada.
Wakaalada wararka ee dalka Xinhua ayaa sheegay in shilkan uu yimid roob iyo daadad ay ka da’yeen.
Saraakiisha gargaarka deg dega ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo ay ku soo badbaadinayaan dadka buundada la duntay.