Maalmahan waxa taagnaa hadal haynta ku saabsan qubuuro ku yaala Avazione Muqdisho oo la hadal hayey in la doonayo in laga saaro halkii ay ku aasnaayeen (duugnaayeen). Arrintaasi waxay I xasuusisay khudbad uu 1972 kii ka jeediyey Mudisho Ismaaciil Cali Abokor, oo wakhtigaas ahaa
Madaxweyne ku-xigeen iyo Xoghayaha Warfaafinta iyo Wacyigelinta, isagoo waxqabkii kacaanka ku faanaya in waxyaabaha ay qabteen ay ka mid ahayd in deyr 2400 mitir ah ay ku wareejiyeen qubuuraha Wardhiigley. Wuxuu kaloo xusay in sharafta dadka waxyaabaha lagu qiimeeyo ay ka mid tahay sida ay u qiimeeyaan kuwooda dhintay ee qubuuraha ku jira. Khudbada oo aan wakhti hore 2019 ku daabacay buugga kacaa-kufka siyaasada Soomaalida, iyadoo ah khudbad qiime badan, waxan jeclaystay wakhtigan hadal haynta muranka qubuuruhu taagan tahay, bal xurmada madaxdii hore ee Soomaaliyeed siiyeen ilaalinta qubuuraha inaan xusuusiyo dadka Soomaalida ee maanta nool madax iyo minjoba. Hadaladiisii waxa ku jirey, isagoo ku faanaya barnaamiyadii Iskaa Wax u Qabso ee Kacaanku fuliyey sanadguuradii 2 aad ee kacaanka.
“Hawlihii la qabtay waxaa ka mid ahaa iskuullo intermediate ah oo aad ogtihiin oo Wadajir iyo Wardhiigley laga dhisay oo haddii la isku daro labaataneeyo fasal ah. Waxaa ka mid ahaa gidaarka dheer ee aad aragteen, dadka waxa lagu gartaa sharafkiisa, marka uu dadka ka dhinta uu sharfo, ayaa qiimihiisa lagu gartaa dadkii meel deggan ee ummad ah. Waxa jirtey qubuurahan haatan Wardhiigley oo markii beledku xaggaa u guurey, ee xaggaa la aadey ay noqdeen meel xaggan iyo xaggaa loo jiidho, oo xataa tuugguna habeenkii uu ku dhuunto haddii uu rabo, waxa dhacday gidaarka weyn ee aad aragteen 2400m ah ee lagu soo xidhay ee waqtiga yar lagu sameeyey, waxa uu ka mid ahaa hawlihii iskaa wax u qabso lagu dhisay ee aad dhisteen idinku (sacab).
Waxaa ogtihiin oo hadda gacanta lagu hayaa oo socda Jubba, oo ahayd huteelkii aynu ognahay siduu ku gubtey, oo dhibaatadii dadka aynu ku qiyaasayno rajcigu gaadhsiiyeen, ee ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba ay u guntatey in ay wax ka qabato, oo muujiso in isticmaarku si kasta oo uu noola dagaallamo in aanay marnaba dhici karayn in uu innaga badiyo. Waxaa jirtey in aynu lacag innagu ururinnay, in dadka Soomaaliyeed ee riijamada joogaa ay soo ururriyeen, in dad Soomaaliyeed oo mutacalimiin ahaa oo injineerro ahi in sida hadda uu yahay ay farsamadeeda lahaayeen, ilaa maalintaa waraaqda lagu dhigay, ee la isku afgartay in sidaa lagu dhiso ilaa maanta ay wadaan, oo la filaayo, Oktoobar 21keeda in uu diyaar noqdo, wixii maal ah ee galay,iyo wixii muruq ah ee galay, la ogyahay inaad idinku ka qayb gasheen, ayaa ka mid ah hawlaha iskaa wax u qabso ku hirgalay.
Waxa aan ammaan weyn halkan uga jeedinayaa, aan is leeyahay inaad sacab u tuntaanna way istaahilaan haweenka Soomaaliyeed qaybtii ay ka qaateen dhismaha (sacab)”
Ka dhegayso khudbada oo dhamaystiran barnaamijkan gaarka ah oo loo duubay Radio Muqdisho 1972. Ama iyada oo qoran buugga kacaa-kufka Siyaasada Soomaalida, bogga 117.
Qoraalkani maaha mid cid lagu dhaliilayo ee waa in la eego xurmadii madaxdii hore siiyeen qubuuraha iyo sida ay u arkayeen muhiimadooda.