Waxaa meel wanaagsan maraya shirka Nabadda iyo Midnimada beesha Cali Madaxweyne.
Nabadoonada Odayaasha iyo waxgaradka beesha Cali Madaxweyne ayaa ku guuleestay in meesha laga saaro tabashooyinka beesha ka dhax jiray lana xoojiyo Midnimada beesha Cali Madaxweyne.
Odayaasha dhaqanka beesha Cali Madaxweyne ayaa socod dheer kusoo maray fagaarayaasha degmada Maxaas waxaaan socda dabaal-deg weyn oo ka turjumeeyso Midnimada beesha Cali Madaxweyne.
Gogosha shirka beesha Cali Madaxweyne waxaa degmada Maxaas dhigay Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, shirka ayaana galay maalintii 4-aady.