Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Dowladda Hirshabelle Zakariye Khalid ayaa Beledweyne kulan kula qaatay Rugta Ganacsiga gobolka Hiiraan.
Kulan waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Hirshabelle Cabdullaahi Cabdiwaaxid Tabaax iyo ururada bulshada sida Haweenka iyo Dhallinyarada.
Wasiirka ayaa warbixinno ka dhageestay madaxda Rugta ganacsiga gobolka iyo qeybaha bulshada.
Ganacsatada madaxda Rugta Ganacsiga iyo qeybaha bulshada ayaa si weyn u soo dhoweeyay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Dowladda Hirshabelle Sakariye Khaalid Cabdi Jimcaale waxa aayne carabka ku dhufteen sida aay ula dhacsanyihiin dar darta shaqo ee wasiirka cusub.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Dowladda Hirshabelle Sakariye Khaalid Cabdi Jimcaale ballan qaaday in uu hormarin doono Ganacsatada dowladda Hirshabelle shaqo abuur iyo Maalingelin ku filan uu u sameyn doono, si loo gaaro horumar ganacsi oo Hirshabelle ka hana qaada.