Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabeelle ayaa 5- Cagaf iyo agab kale oo beeraleeyda loogu tala galay ku wareejisay Iskaashatada Beeraleeyda Beledweyne.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda beeraha iyo Waraabka dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Bashiir Qaasim Daqare ayaa Iskaashatada Beeraleeyda Beledweyne ku wareejiyay Cagaf-cagaf- yadaasi iyo agabka kale Iskaashatada Beeraleeyda Beledweyne si kor loogu qaado wax soo saarka beeraleeyda Beledweyne.
Iskaashatada Beeraleeyda Beledweyne ayaa u mahadceliyay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabeelle iyo dhammaan dhinacyada kale ee ka gacansiiyay helista Agabkaasi.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda beeraha iyo Waraabka dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Bashiir Qaasim Daqare ayaa Iskaashatada Beeraleeyda Beledweyne u ballan qaaday in wasaarada sii wadi doonta garabsiinta iskaashatada beeraleeyda.