Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka biyaha dowladda Hirshabelle oo kashaneysa tan Fedaraalka Soomaaliya ayaa Dayactir ku biloowday Ceel biyoodka deegaanka tardo oo muddo 15-sanno ka badan aan helin wax dayactir ah.
Tardo oo hoostimaada degmada Jajalaqsi ayaa kamid ah deegaanadii Argagaxisada laga saaray bur-bur iyo cilado farsamo oo soo wajahay ceelka tardo ayaa sababay in aay biyo waayaan dadka iyo duunyada ceelkaasi ka biya cabi jiray.
Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka biyaha dowladda Hirshabelle oo kashaneysa tan Fedaraalka Soomaaliya kana jawaabeysa codsiga bulshada Tardo ayaa maanta waxaa la bilaabay dayactirka ceelka Tardo oo balaarin lagu sameyn doono isla markaana si casri ah loo dhisi doono.
Guddoomiyaha Tardo Nabadoono iyo marti sharaf kale oo hadlay ayaa ka mahadceliyay dayactirka ceelkaasi oo baahi weyn aay u qabeen.
Masuul ku hadlayay afka Kambaniga howsha dayactirka ceelka Tardo qaatay ayaa dhankiisa hadlay.
Cismaan muumin Axmed Agaasimaha Waaxda farsamada Gacanta ee wasaarada waxbrashada Hirshabelle ayaa sidoo kale madasha ka hadlay.
Isku-wadaha Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka biyaha gobolka Hiiraan Cawil Maxamed Jabriil oo ahaa maskaxdii ka dambeysay dayactirka ceelka Tardo isla markaana garwaaqsan muhiimadda ceelkaasi bulshada Tardo u leeyahay ayaa faray Kambaniga dayactira ceelkaasi in shaqada ceelka uu bilaabi si dadka iyo duunyada biyo u helaan.