Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan iyo madax kale duwan oo bulshada kula ciiday degmada Maxaas.
Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa maanta si weyn looga ciiday waxaana ka socda degmada
Munaasabadda Ciidul-Adxa.
Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha ciidamada deegaanka Cali Jeyte Cismaan Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabelle Cabdiraxmaan Daahir Guure Taliyaha qeybta booliska gobolka Hiiraan Kor. Isaaq Cali Cabdulle iyo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muse Salaad Wehliye ayaa boqolaal kamid ah bulshada degmada Maxaas Saaladda kula dukaday barxadda Ceel-weyne.
Dadka kunool degmada ayeey ciidan uga duwaneed ciidihii hore, waxaana nasiib u yeeshiin ciidan in aay la ciidaan Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan iyo madax kale duwan oo isugu jirta heer fedaraal iyo dowlad goboleed.
Wariye Mohamed Ibraahim