Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo dhinaca kalena ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa si weyn u duray warbaahinta dowladda, kadib markii ay maanta baahin weyday hadal-jeedintiisi baarlamaanka.
Shariif oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo horjeeda qorshaha dowladda madaxweyne Xasan ee wax ka beddelka iyo dhameystirka dastuurka ayaa khudbadiisa uga hadlay dhowr arrimood oo taabanaya wax ka beddelka dastuurka iyo xaaladda guud ee amniga dalka.
Sheekh Shariif ayaa qoraal uu soo saaray ku dhaliilay warbaahinta dowladda sida aysan ugu wada furneyn aragtiyada kala duwan ee xildhibaannada iyo siyaasiyiinta, taasi oo ka dhigeysa warbaahin ku shaqeysa rabitaanka shaqsi gaar ah.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay madaxweynihii hore ee dalka in tallaabadan ay billow u tahay “waxa soo socda iyo duullaanka lagu yahay aragtida xildhibaanka iyo tan siyaasiga.”
Hoos ka aqriso qoraalka Shariif
Hadal jeedintaydii maanta ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaan ugu hadlay dhowr arrimood oo taabanaya wax ka badalka Dastuurka iyo Xaaladda guud ee Amniga dalkeenna.
Aragtidayda iyo dareenka shacabka ay qabaan in aan ka sheego Baarlamaanka hortiisa waa qodob dastuuri ah, balse warbaahinta qaranka ee la rabay in ay noqoto indhaha ay bulshadu wax ku aragto, lagu saxo dowladnimada, u sinnaadaan masuuliyiinta, mucaarad iyo muxaafid ayaa maanta laga baahin waayay aragtidayda.
Ma aqaan sababta keeni karta tallaabadan is hortaagga ah . Laakin tani waxay billow u tahay waxa soo socda iyo duullaanka lagu yahay aragtida Xildhibaanka iyo tan siyaasiga.
Biyo dhul lagu arag lagana dhoor.