Senator Cismaan Abuukar Dubbe oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo madaxda dowladda federaalka iyo hoggaanka sare ee maamulka Puntand.
Dubbe ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay maqnaashaha Puntland oo aanu kasoo qayb-gelin shirkii ugu dambeeyay ee golaha wadatashiga qaran, balse waxa uu tilmaamay inuu rajeynayo in xal waara laga gaari doono mad-madowga u dhexeeyo labada dhinac.
“State-ka weli maqan ee aan kasoo qayb-gelin shira waxaan rajeynayaa muddo badan ayaa dhimane in taa lagu xalin doono” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay warbaahinta dowladda.
Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray Xasan Sheekh iyo Deni oo uu ugu baaqay inay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka, kadibna ay dhammeeyaan khilaafka dhexdooda ah.
“Aaan wada-hadalno waa aan heshiino, aadna waan u boorinayayaa wada-hadalkaas” ayuu sii raaciyey Senator Cismaan Abuukar Dubbe.
Dhinaca kale Dubbe oo hadalkiisa sii wata ayaa boggaadiyay dadaalka madaxweynaha, wuxuuna sheegay inuu isfaham wayn uu ka dhexeeyo isaga iyo ra’iisul wasaaraha.
Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in haatan ay wanaagsan tahay wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda, sarana loo qaaday xiriirka caalamiga ah.
“Halku dhiggii madaxweynaha ee Soomaali Heshiis ah, dunidana heshiis la ah, si buuxda ayuu u dhaqan-galay, waxaadna ka garan kartaa wada shaqeynta madaxda iyo hey’adaha dowladda oo aan horay u dhici jirin” ayuu mar kale yiiri Sanatorku.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkiisii yahay khilaafka u dhexeeyo dowladda federaalka iyo Puntand iyo mucaaradka oo garab kale ah, kuwaas oo ka horyimid wax ka beddelka dastuurka oo ay ku dhaqaaqday Villa Somalia, uuna meel-mariyay baarlamaanka.