Sayid Cali Macallin Daauud oo racfaan ka qaatay xukunkii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku ridday 6dii Maarso sanadkaan 2024 ayay Maxkamaddu racfaanku waydiisay sababta uu u diiday xukunkii ay ku ridday Maxkamadda derajada 1aad ee Gobolkaan.
Waxa uu sheegay in uusan ku qancin xukunkaan
Isla markaana lagu ‘been abuurtay’ sidaas awgeed uu qaatay go’aanka daba-socday xukunka oo ahaa in uu racfaan ka qaadan karo haddii uusan ku qancin xukunkaas.
Sayid Cali oo su’aalo la waydiiyay ayaa dul istaagay sida uu kiiska ku dhacay isaga oo fadhiga maxkamadda kahor sheegay in uu ahaa ‘badbaadiyaha’ marwadiisa oo u dhimatay dhaawac kasoo gaaray dab uu qabadsiiyay guriga.
“Sababta aan xukunka racfaanka ugu qaatay waa in la igu xad-gudbay oo la igu tilmaamay dilaa xaaskiisa dilay, ma jiro Nin Xaaskiisa iyo carruurtiisa dilaayo, waxaa la igu magacaabay qof dilaa ah oo dambigaas ma gaysan waxaana halkaan u imid in aan caddaalad helo” Ayuu yiri Sayid Cali Macallin Daauud.
La soco go’aanka Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ka qaadato kiiskaan