Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

    July 28, 2025

    MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

    July 28, 2025

    Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

    July 28, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

      July 28, 2025

      MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

      July 28, 2025

      Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

      July 28, 2025

      Dagaal culus oo xalay ka dhacay Degmada Doolow ee G/Gedo

      July 28, 2025

      9 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday maxkamad ku taal dalka Iran,

      July 26, 2025

      Soomaaliya iyo Azerbaijan oo iska kaashanaya dhinaca Difaaca

      July 25, 2025

      Akhriso:- WhatsApp ma wuxuu noqday aalad wax basaasta

      July 22, 2025

      Samatabbixiyeyaasha Congo oo gacmahooda ku qodaya si ay soo saaraan macdan qodayaal ku go’doonsan Dhulka.

      July 22, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

      July 28, 2025

      MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

      July 28, 2025

      Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

      July 28, 2025

      Dagaal culus oo xalay ka dhacay Degmada Doolow ee G/Gedo

      July 28, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Daawo: Odayaasha Lughaya oo isku raacay difaaca badda, digniin culusna u diray Biixi

    Daawo: Odayaasha Lughaya oo isku raacay difaaca badda, digniin culusna u diray Biixi

    By radiohalgan.comMarch 1, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Odayaasha dhaqanka Lughaya ayaa maanta soo bandhigay sida ay uga soo horjeedaan damaca gurracan ee Itoobiya ku dooneyso qeybo kamid ah badda Soomaaliya.

    Odayaashan oo shir jaraa’id ku qabtay xeebta Lughaya ayaa waxay si cad u sheegeen in ay dagaal ka xigaan heshiiskii Addis Ababa, oo Itoobiya loogu saxiixay dhul badeed kamid ah Lughaya.

    “Badda Lughaya xeelageedii ayaa fadhinaa waxaan halkan ka caddeynaynaa baddan Lughaya ee laga bixiyay saldhiga milateri in aan anagu raali ka aheyn, raalina aan ka noqon kareyn,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka Lughaya.

    Odayaasha dhaqanka Lughaya ayaa sidoo kale waxay luuqadii ugu adkeyd kula hadleen hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, “Cidii isku deyda inay sameyso waxaas ama keento dalal kale anaga oo nagala tashan, nina u daba fadhiisan mayno dhulkan anaga ayuu Ilaahay na dhigay oo naloo daba fadhiisan.”

    Sidoo kale waxay sheegeen in Somaliland ay mareyso meeshii ugu darneyd oo halis ah, islamarkaana ay u baahan bad-baado deg deg ah, ayaga oo si weyn u dhaliilay maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Mr. Biixi.

    Arrintan ayaa imaaneysa xilli kal hore Lughaya looga dhawaaqay kacdoon hubeysan oo ka dhan ah damaca Itoobiya, kadib markii ay Itoobiya shaacisay in dhul badeedka loo saxiixay uu yahay Lughaya.

    Dhallinyarada magaalada Lughaya oo dhawaan ka soo muuqday warbaahinta iyaga oo ku hubeysan hubka fudud iyo kuwa culus ayaa si adag uga horyimid damaca Abiy, iyaga oo markaas sheegay in badda leeyihiin dadka Soomaaliyeed.

    “Somaliland wax la yiraahdo ma garaneyno. Somaliland dhulka iibineysa ma dooneyno, waxaa aqoonsaneyna oo horena u aqoonsaneyn dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.”

    Horraantii sanadkaan ayay aheyd markii Muuse Biixi iyo Abiy ay heshiis is-afgarad ku saxiixdeen magaalada Addis Ababa, kaasi oo Biixi uu sheegay in Itoobiya loogu saxiixayo dhul badeed dhan 20 KM, si ay saldhig uga dhigtaan Ciidanka Badda Itoobiya.

    Somaliland ayaa markaas sheegtay in weli la isla qaadan goobta laga siinayo dhul badeedka, balse Itoobiya ayaa dhankeeda shaaca ka qaaday in ay doorteen dhanka Lughaya, islamarkaana 20KM ay ka badan karto dhulka ay rabaan, sida uu telefishanka dowladda u sheegay La-taliyaha amniga Qaranka ee Itoobiya, Redwan Hussein.

    Si kastaba, Xiisadda ka dhalatay heshiis beenaadka Addis Ababa ee Muuse Biixi iyo Abiy ayaa xilligaan mareysa meel xasaasi ah, kadib markii si wada-jir ah ay Soomaalida uga horyimaadeen, maadaama uu yahay mid masiiri ah oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

    July 28, 2025

    MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

    July 28, 2025

    Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

    July 28, 2025
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

    July 28, 2025

    MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

    July 28, 2025

    Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

    July 28, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.