Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Kulan muhiim ah ayaa maanta dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabelle,

    January 15, 2026

    Wasiir Fiqi “Shacabka reer Waqooyi Bari waxay maanta guranayaan mirihii adkaysigooda.”

    January 15, 2026

    Iiraan oo farriin u dirtay Trump oo u hanjabay

    January 15, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Kulan muhiim ah ayaa maanta dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabelle,

      January 15, 2026

      Wasiir Fiqi “Shacabka reer Waqooyi Bari waxay maanta guranayaan mirihii adkaysigooda.”

      January 15, 2026

      NISA oo sheegtay in la beegsaday guri ay ku shirayeen Al-shabaab oo ku yaala Jubbada Dhexe

      January 15, 2026

      Dhageeyso:- Wasiir Koroore anigoo Moog ayoow imagacabaay Waxaan ku arkaay Facebook Balse Waxeey Ceeb Ku tahaay Wasarada arimaha Gudaha

      January 14, 2026

      Iiraan oo farriin u dirtay Trump oo u hanjabay

      January 15, 2026

      Justin Davis oo noqday Ku-Simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

      January 15, 2026

      Muxuu daaran yahay Safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ee Isutagga Imaaraatka Carabta?

      January 14, 2026

      Waddamada Afrikaanka ah ee ka soo horjeestay aqoonsiga Somaliland

      January 13, 2026

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Kulan muhiim ah ayaa maanta dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabelle,

      January 15, 2026

      Wasiir Fiqi “Shacabka reer Waqooyi Bari waxay maanta guranayaan mirihii adkaysigooda.”

      January 15, 2026

      Iiraan oo farriin u dirtay Trump oo u hanjabay

      January 15, 2026

      Justin Davis oo noqday Ku-Simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

      January 15, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Daawo: Ninka ugu sarreeya sirdoonka ITOOBIYA oo lagu dhex arkay MUQDISHO

    Daawo: Ninka ugu sarreeya sirdoonka ITOOBIYA oo lagu dhex arkay MUQDISHO

    By radiohalgan.comJuly 27, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Xildhibaan Bashiir Cabdi Ameeriko oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay xog xasaasi ah oo ku aadan sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Itoobiya, kaas oo si qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho.

    Xildhibaanka oo maanta ka hadlay kulankii baarlamaanka ayaa sheegay in dhowaan xerada Xalane gudaheeda uu ku arkay ninka ugu sarreeya sirdoonka Itoobiya, isaga oo tilmaamay inuu dhex lugeynayay gudaha xeradaas oo ay dagan yihiin ajaaniib badan.

    Bashiir Ameeriko oo horay usoo noqday taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay inuu ninkan horay u yaqiinay, isla markaana ay mar kulmeen xilligii uu ahaa taliyaha.

    “Waxaan xog idin-ku siinayaa maalin dhaweyd aniga oo ku dhex lugeynaayo Xalane waxaan ku arkay ninka ugu sarreeyay mukhaaabaraadka Itoobiya oo aan horay u arkay markii aan taliyaha ahaa” ayuu yiri Xildhibaan Bashiir Ameerico.

    Sidoo kale wuxuu kusii daray “Xalane ayuu dhex wareegayaay isaga oo kaligiis ah dad yarbaa daba socday,”.

    Waxaa kale oo uu kusii daray in arrintan ay muujineyso mid laga leeyahay dano aad u wayn, isla markaana la doonayo in Soomaaliya ay sii joogaan shisheeyaha, ayna farogeliyaan arrimaheeda gudaha.

    “Maxaa keenaayo in sidaan aan kusii jirno? waxaa la rabaa in ATMIS ay sii joogto, UNSOM inay noo keento mashaariicda yaryareyd ee aan ka dhamaaneynin in la yiraahdo garoonkooda iyo dekeddooda ma lagu aamini karo” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

    Hadalkan xasaasiga ah ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay is hayaan Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay ka dhexeyso xiisad ka dhalatay heshiiska badda, taas oo sababtay inuu go’o xiriirkii labada dhinac, waxaana xogta uu bixiyay xildhibaanka tahay mid leh walaaceeda, maadaama ay halis tahay in dal aad haysaan uu kusoo diro sirdoonkiisa.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Kulan muhiim ah ayaa maanta dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabelle,

    January 15, 2026

    Wasiir Fiqi “Shacabka reer Waqooyi Bari waxay maanta guranayaan mirihii adkaysigooda.”

    January 15, 2026

    Iiraan oo farriin u dirtay Trump oo u hanjabay

    January 15, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Kulan muhiim ah ayaa maanta dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabelle,

    January 15, 2026

    Wasiir Fiqi “Shacabka reer Waqooyi Bari waxay maanta guranayaan mirihii adkaysigooda.”

    January 15, 2026

    Iiraan oo farriin u dirtay Trump oo u hanjabay

    January 15, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.