Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, kadib markii nin hubeysan uu gowracay xaaskiisa.
Ninka eedeysanaha ah ee loo haysto falka ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan, wuxuuna nafta dhaafiyay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Fowsiyo, taas oo ahayd hooyada 5 carruur ah.
Goobjooge la hadlay Telefishinka Universal ayaa ka warbixiyay dhacdadan, wuxuuna sheegay inay salka ku hayso hinaaso darteed, ama maseer uu qaaday ninka
“Xaafaddan waxaa ka dhacday arrin la yaab leh cid gurigan daganeyd odeygeedii baa wuxuu sameeyay islaantiisii buu nafta dhaafiyay, wuuna bireeyay” ayuu yiri goobjoogaha.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray eedeysanaha gacanta lagu dhigay, isaga oo weli ku sugan guriga uu dilka ka gaystay oo ku yaalla agagaarka xarunta Baambeyda.
“Gabadha maydkeeda waxaa loo qaaday C.I.D, isagiina ma cararin, meelna ma aadin wuxuu sameeyay markii arrinta la ogaaday buu yiri gabadhii maydkeedii qolkan ayuu ku jiraa” ayuu sii raaciyay.
Dhacdooyinka argagaxa leh ee ka dhashay muranada qoyska ayaa indhowaanahan kusoo badanayay magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo qaybo badan oo kamid ah dalka.