Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw kulan ay ku yeesheen xarunta Villa Hrageysa waxa ay ku meel mariyeen wax ka bedelka Dastuurka KMG ee dalka lagu maamulayay.
Kulanka xildhibaanada labada Aqal goordhaw yeesheen oo bannaanka looga saaray saxaafada ayaa lagu meel mariyay wax ka bedelka Dastuurka oo si weyn ugu ololeeneysay madaxtooyada Soomaaliya.
Qara kamid ah xildhibaanada labada Aqal ayaa si weyn uga soo horjeeday in wax ka bedel lagu sameeyo habraaca Dastuurka, waxa ayna xildhibaanadan buuq ka sameeyeen xarunta golaha ku shirayeen.
Xildhibaanada ayaana iyada oon ajandaha kulanka la ansixin sidoo kale la qeybin habraaca doodna la gelin ayaa guddoomiyaha golaha shacabka waxa uu xildhibaanada ka dalbaday in gacan taga ugu codeeyaan wax ka bedelka Dastuurka.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaacioyay in wax ka bedelka Dastuurka lagu sameenayay ogol ugu codeeyay 180 xildhibaan, halka ay diideen wax ka bedelka Dastuurka KMG 30-xildhibaan , waxa cadeeyay in sidaasi ansax ku noqday wax ka bedelka Dastuurka .
Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaana si weyn uga soo horjeeday wax ka bedelka xilligan lagu sameenayay Dastuurka, lamana oga xiisada siyaasadeed uu abuuri doono go’aankan ay maanta xildhibaanada labada Aqal ku ansixiyeen waxka bedelka Dastuurka.