Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo jeediyay inuu dhaqso isku daba qabto, xilli ay meel sare gaartay xurgufta isaga iyo mucaaradka.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa madaxweynaha ku dhaliilay in madax goboleedyada u ogolaaday muddo kororsi, uuna isna wadadaasi ku socdo.
“Dowlad-goboleedyada inay doorasho galaan ogolow (Madaxweyne), sharciyad ayaa dal lagu maamula oo lagu dhaqaa, laakiin sharciyad la’aan xukun laguma joogi karo. Yeysan waqti ka lumin dhalateedka ah iska jooga kursiga, idinkana igu taageera hadhoo marka ay iga dhamaato oo doorasho la qaban,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Waxa uu intaas kusii daray “Ogolow (Madaxweyne) in talo mideysan halka uu dalka ka aadi lahaa sanad iyo bar kadib doorasho qaabkee ah ayaa la galayaa, qaabkee ayaa sharciyadda lagu waasicinaya dowladnimada in lagaala yeesho.”
Sidoo kale waxa uu kula taliyay madaxweyne Xasan Sheekh in uu soo dhiso xukuumad tayo leh, uuna iska dhaafo dhalanteed uu sheegay in muddo xileedkiisa uu dalka uga lumiyo xukuumad fadhiid ah oo waxtar laheyn.
Waxaa kugula talin lahaa (Madaxweyne) in aad dalka u dhisto xukuumad tayo leh oo qaadi karta mudadda yar ee kooban ee harsan masuuliyadaha iyo caqabadaha horyaalla, oo aad iska dhaafto dhalateedka ah xukuumad aan karti laheyn aad mudadda yar ee hartay dalka uga lumiso,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Xildhibaan.
Cabdiraxmaan ayaa ugu dambeyntiina wax lala yaabo ku tilmaamy in madaxweynaha aysan aqoon iyo waayo aragnimo ku yareyn, haddana marka fiiriso dowladdiisa sida ay wax u wado lala fajacayo, “Madaxweynaha aqoon kuma yara, waaya-aragnimana kuma yara, da’na kuma yara ee see wax yihiin. Laakin Madaxweynow cid kor wax kuugu sheegta, ama kuugula dhiirata ma jirto.”
Waxa uu intaas sii raaciyay Xildhibaanka “Waxaan kuuugu naseexeyneynaa Madaxweynow mudada kooban ee taladaada ama mudo-xileedkaada ka harsan inaad dalka badbaadiso, adigana sumcadaada badbaadiso, dhaqankaagana uu noqdo mid dhaxal-reeb oo taariikh iyo legacy ka taga.”
Hoos ka daawo muuqaalka