kumanaan Kun oo dadweyne ah oo isaga kala yimid dhamaan degmooyinka iyo deegaanada gobolka Hiiraan iyo meelo ka baxsan gobolka oo Maxaas u tagay maalmahii lasoo dhaafay shirweynaha Beelweynta Cali Madaxweyne uga socday Maxaas ayaa soo dhaweyn diiran u sameeyay Ugaaska.
Safarkaan uu maanta Ugaaska Guud ee Xawaadle ku tagay Degmada Maxaas ayaa qeyb ka ah socdaalka Nabadda iyo Midnimada beelaha Xawaadle, waxaana sidoo kale lagu wadaa Ugaas Yuusuf Ugaas Khaliif inuu soo xiro oo uu ka duceeyo shirweyne wadatashi oo maalmahii lasoo dhaafay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan uga socday Beelweynta Cali Madaxweyne oo ka mid ah beelaha Xawaadle.
Masuuliyiin sar sare oo xilal kala duwan ka haya dowladda Fedaraalka iyo Dowlad Hir-Shabeelle ayaa sidoo kale ku sugan Maxaas ee gobolka Hiiraan oo halkaasi u jooga soo gunaanudka shirweynaha Cali Madaxweyne oo la filayo in saacadaha soo socda War murtiyeed laga soo saaro.
Beelaha kale ee Xawaadle ayaa si gaar ah isha ugu wada haaya natiijooyinka kasoo bixi doono shirka Beelweynta Cali Madaxweyne ee todobaadyadii lasoo dhaafay ka socday Degmada Maxaas Gobolka Hiiraan ee Hirshabelle.
hoos ka daawo Muuqaalka