Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Munaasabad Lagu maamuusayay 64sano guurada kasoo wareegtay markii Gobollada Waqooyi madaxbannaanida ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay midnimada & arrimo kale.
Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in halgan loosoo galay madaxbannaanida maanta la haysto isaga oo intaas ku daray in ujeedka dadkii halgankaas sameeyay uu ahaa wadajirta, midnimada & in ay isku duubnaato Soomaalida.
Fariin gaar ah uu u diray Gobollada Waqooyi (Somaliland) waxa uu u sheegay in xalka keliya gul lagu gaari karo uu yahay midnimada iyo in meel la iska dhigo madmadowga siyaasadeed maadama uu intaas ku daray in Dowladdii Militariga ahayd dhibaatadu u wada gaysatay guud ahaan Gobollada Dalka.
“Walaalaha Waqooyiga waxa aan leenahay aan kala tagno Daawo kuma dhalaneyso, idinkana idinka oo tabar yar ayaa meel la idinku cunayaa, anagane innaga oo tababar yar ayaa meel nalagu cunayaa” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale soo hadal qaaday damaca gurracan Itoobiya ay ku doonayso in ay ku qaadato qayb kamid ah Biyaha Soomaaliya iyada oo marin ka dhiganaysa is afgaradkii sharci darrada ahaa ee Somaliland la gashay.
Digniin ayuu u diray Xukuumadda Abiy Ahmed waxaana uu sheegay in guud ahaan Soomaalidu diyaar u yihiin in ay difaacdaan oo ilaalsadaan madaxbannaanidooda, Wadajirkooda iyo baddooda sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.