Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle Mudane Yusuf Dabageed oo oohinta ceshan kari waayey, halkani waa isbitaalka uu ku geeriyooday Nabadoon Faarax Cabdi Waare
nnaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun
Madaxweyne Yusuf Dabageed Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa ehelka, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Hiiraan, geerida ku timid Nabadoon qiimo badan, Nabadoon Faarax Cabdi Waare, oo ka mid ahaa nabadoonada gobolka Hiiraan.
Nabadoonku wuxuu ahaa shaqsi qiimo leh oo kaalin weyn ka qaatay nabadaynta iyo wadajirka bulshada. Geeridiisu waa mid taabatay dhammaan umadda Soomaaliyeed.
Allaha u naxariisto, Janatul Firdowsana Allaha ka waraabiyo. Ehelka iyo qaraabada uu ka baxay samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.
Aamiin Yaa Rabbal Caalamiin.