MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SOO GAARAY DEGMADA MATABAAN
Matabaan, 28-May-20204:Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa ay soo gaareen degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan.
Dadka degmada ay horkacayaan Guddoomiyaha Degmada Matabaan, Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Dowladdaha Hoose ayaa waxa ay kusoo dhaweeyeen banaanka degmada Matabaan.
“Ugu horreyn waxaan ka mahadcelinayaa soo dhaweeynta aan loo kala harin ee maanta ii sameeyeen dadka Matabaan. Runtii miraha Dowladnimada ayay guran doonaan oo waxaan xarigga ka jari doonaa haddii uu Alle idmo mashaariicdii ugu waa weyneyd ee taariikhda laga hirgeliyo Mataabaan iyo deegaanada ku xeeran.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa tilmaamay in lasoo gaaray waqtigii ay ku diirsan lahaayeen dadka adeega Dowladnimada.
DHAMMAAD