MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO U KUUR-GALAY QASAARAHA KA DHASHAY DABKII KA KACAY SUUQA MAGAALADA JOWHAR.
Musiibada dabka ayaa dhalisay qasaaro hantiyadeed oo soo gaaray ganacsatada suuqa magaalada Jowhar waxana uu u rajeeyay beddel wanaagsan iyadoo uu tilmaamay in wadajir gacan looga geysan doono sidii ay ganacsatada uga soo kaban laheyd.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa faray Hay’addaha ammaanka baaris deg deg ah oo la xiriirta sida uu ku yimid dabka.
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa kaga tacsiyeeyay ganacsatada musiibadii ku dhacday Waxaan uu ugu baqaay Maamulka Degmada Jowhar iyo Guddiga Ganacsatada Suuqa Magaalada Jowhar in laga wada arinsado sidii xal loogu heli lahaa dabka soo noqnoqday.