MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO MASHAARIIC KA DHAGAX-DHIGAY DEGMADA RAAGGE-CEELLE
Mudane Cali Cabdhullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo maanta soo gaaray degmada Raagge-Ceelle ayaa dhagax-dhiggay xarunta uu ku shaqeyn doono maamulka degmada.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhagax-dhiggay Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee degmada Raagge-Ceelle.
“Waxaa nala socda Injineeradii ceelasha waan rajeynayaa inaad ka baxdaan dhibaatadii dhinaca biyaha.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ugu baaqay in wadajir looga shaqeeyo horumarka.