Munaasabad ka dhacday magaalada Jowhar ayaa waxaa si rasmi ah maanta looga daah-furay mashruuca biyo xireenka Sabuun oo waxtar u leh in ka badan 300-kun oo beeraleey ah
Mashruucan waxaa si wadajir ah u daah-furay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Ku-simaha Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ahna Ra’iisulwasaare ku-xigeen Mudane Saalax Axmed Jaamac.
Sidoo kale munaasabadda waxaa goobjoog ahaa masuuliyiin ka socotay xafiiska Qaramada Midoobe Soomaaliya.
Dowladdaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa gacan ka geysanayo hirgelinta dhismaha.
“Mashruuca Sabuun oo guulleysto waa Soomaaliya oo barwaaqo ah waxaan hubbaa in kordhin doonno wax-soo-saarka Beeraleyda.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay wafdiga uu hoggaaminayay ku-simaha Ra’iisulwasaaraha.