31-July-2024: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay wehliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle, Guddoomiyayaasha Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada qalabka sida ayaa fursad u siiyay dadweynaha degmada Jalalaqsi inay weydiiyaan su’aallo toos ah.
Ujeeddada Kulankan Dolwadda iyo Dadweynaha Hirshabeelle ayaa ahaa sidii la isaga xog-waraysan lahaa mashaariicda horumarinta bulshada laga dhaqan geliyay degmada iyo baahiyaha wali ka jira deegaanada Degmada Jalalaqsi, iyadoo si gaar ah diirada loo saaray sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo midnimada bulshada, isku xirka maamulka degmada iyo dadweynaha loogana wada shaqayn lahaa horumarinta dowldnimada iyadoo loo marayaa kalsooni dhiska shacabka iyo Hay’addaha Dowladda Hirshabeelle.
Waxa kale oo laysla soo qaadey siyaasadda iyo istaraatiijiyada dowladdu ka leedahay dhisidda golaha deegaanka degmada xoojinta iyo horumarinta arrimaha Caafimaadka dalkeena iyo waxbarashada, maamul wanaagga iyo soo kabashada dhaqaalaha.
Kasoo qayb-galayaasha Kulnaka Dowladda iyo Dadweynaha Hirshabeelle ayaa su’aalo, baahiyo bulsho iyo tallooyin la wadaagaya Madaxweynaha Hirshabeelle, xubno kamida Golaha Wasiirrada iyo Maamulka Gobolka Hiiraan.
“Jalalaqsi waxaan ka hirgalineynaa adeegyada aas-aaska u ah Dowladnimada, waxaan dhageystay aragtidiina.”
Kulamada dadweynaha uu la qaadanayo Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa tarjumayo sida ay uga go’an tahay u khidmeynta shacabkiisa.
DHAMMAAD