Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow oo aay wehliyaan xubno maamulka kamid ah iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha degmada Matabaan Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan dowladda Hirshabelle iyo qeybaha bulshada ayaa degmada Matabaan kusoo dhaweeyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin.
Ujeedka socdaalka guddoomiyaha gobolka ayaa salka ku haaya dib u habeynta Maaliyadda gobolka Mashaariic laga fuliyo degmada Matabaan iyo u kuurgalka xaaladda bulshada degmada Matabaan ku nool ku suganyihiin, waxuuna kulamo kala duwan la qaadaan doonaa guddoomiyaha gobolk Hiiraan maamulka degmada Matabaan iyo qeybaha bulshada.