Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee Dowladda Hirshabelle Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda 64-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha gobolka ayaa xusay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalkeenna.
“Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo maamulka gobolka Hiiraan waxaan Hambalyo leeyahay dhamman Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alifleyda, Dablayda iyo qoysaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guuta 5-aad qeybta 27- aad ee xoogga dalka oo qabatay shaqo muuqata waxaan rajeyn in aay shaqadooda sii laba jibaaraan si Argagaxisada iyo cadawga Soomaaliya looga guuleesto” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye.