Dowladda Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, ayada oo sheegtay inuu haatan ka billowday deegaanada Jubbaland, sida uu shaaciyay wasiirka amniga, Cabdullahi Ismaaciil Fartaag.
Wasiirka oo hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay dowladdu qaaday wajiga labaad ee dagaalka, uuna ka socd aagga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada Hoose.
Fartaag ayaa sheegay in ciidamada ay dhaq-dhaqaaqeen, kuna sii socdeen aagga degmada Badhaadhe oo hadda ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.
โWajiga labaad ayaa bilowday, Kismaayo ayuu ka socdaa Buulo Xaaji ayaa la marayaa, waxaana lagu socdaa Badhaadhe oo waxyar ayaa kasii dhimanโ ayuu yiri Fartaag.
Sidoo kale wuxuu u jawaabay dadka eedeynaya dowladda federaalka, gaar ahaan wararka ku aadan in dib looga soo baxay deegaano badan, kadibna ay qabsadeen Al-Shabaab.
Cabdullahi Ismaaciil Fartaag ayaa xusay in wararkaasi ay yihiin waxba kama jiraan, wuxuuna sheegay in ciidamada huwanta ay kusii siqayaan deegaano horleh.
โKuwa meelaha mar maraayo ee dhahayo meelihii laga kiciyay Khawaarijta waa kusoo noqdeen waa beenaalayaal weeyeโ ayuu kusii daray wasiirka amniga Soomaaliya.
Gobollada badan oo dalka ku yaalla waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana kamid ah HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.