Beel-weynta Jijeele ayaa si rasmi ah maanta ugu dhawaaqaday howlgalka kasocoda Dalka ee ka dhan ah AS islamarkaan islamarkaan horay u cilaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-shabelle, Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad Kor. Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay Saraakiil ciidan oo kale iyo waxgard ayaa howlgalkaasi ku dhawaaqay.
ciidanka oo watay gaadiid dagaal ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yahiin waxii maanta ka dambeeya dagaalka kooxada AS looga saaray galbeedka Hir-shabelle aygoo codsay waxii garabistaaga ah oo dhanka Dowladda islamarkaan dhankood ay diyaar u noqoda xureeynta Galbeedka Wabi shabelle.
Beel-weynta Jijeele ayaa lagu xasuustaa halgankii ugu horeeyay kooxda AS ay degaankooda iskaga kiciyeen islamarkaan 10 sano kadib ay diyaar u yahiin inay dhamaan degaanada Galbeedka xureeyaan.