Lataliyaha Madaxweyne HSM dhanka Qurbajoogta Mr Jabshe ayaa yiri Anigoo ah Daahir Jabshe -Lataliyaha madaxweynaha ee Qurbajoogta waxaa u mahadcelinaya madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud, xukuumadda iyo Barlamaanka oo si dar dar leh kuwada dagaalka Khawaarijta dalka looga xoreynayo.
Waxaa bogaadinayaa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee u istaagay iney dalka ka xoreeyaan xagjarka Khawaarijta Al shabaab oo cashir lama ilaabaan ah ay u dhigeen, taasoo cadeyneysa in Khawaarijta laga adkaan karo.
Waxaa sidoo kale aad u soo dhaweynayaa ciidamada isaga kala gooshaya Goballada dalka sida kuwa kasoo baxay Galmudug iyo Hiiraan ee u midoobay iney ciribtiraan Argagixsada, waxaaan leeyahay Guuleysta oo gacantiina ha is gaarto.
Sidoo kale Mudanayaasha Baarlamaanka waxaa leeyahay yaan laga-xagal daacinin dagaalka ciidanka oo siyaasad yaa laga dhex raadin, ee hala garab istaago.