CUMRADII_HOOYO_MARXUUMAD KHADIIJA SHEEKH CALI oo geeriyootay 1982, Magaalada Buuloburte. EE Gobolka Hiiraan
Siyaaadi Ahme Aqoonyahan Guud Abdulqadir Maxamed Caanooy oo Ku Magac dheer (Abdulqadir Barlnaamij)
MR. BARLNAAMIJ AYAA YIRIEEBBE ayaa mahad Leh ii suurta geliyay inaan ka cumreeyo shalay; Jumco 20 September 2024, Hooyadeey Macaan Marxuumad Khadiijo_Sheekh_Cali_Nuur_Jeexoow oo ku geeriyootay 1982, Magaalada Buuloburte.
Hooyo khadiijo RABBI ha u naxariistee waxay ahayd; qof caqli badan, garab istaaga leh, dhiiran, karti badan, oo ah ganacsato si weyn looga yaqaan Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan.
Geeridii Hooyo khadiijo sameyn ayay nagu yeelatay aniga iyo walaashey Haweeya, Walaalkay Cabdi fataax iyo yaraanka hooyadeey Cabdi naasir M Caanooy waloow aad naloo garab istaagay balse marar waxaa isoo martay anoo la ilmeeyay inaan weynay garab weyn iyo hooyo aan inaba caadi ahayn Exceptional_Mother
EEBOOW ishu wey ilmeyn, qalbiguna wuu murugoon, mana dhahayno wax EEBBE raali ka ahayn, Hooyo Khadiijo Sheekh Cali anagoo yaryar inay naga geeriyootay waan ka tiiraanyeysanahay”.
RABBI ayaa mahad leh Intaan Cumaradan ku jiray ii suurtagshay inaan usoo duceeyo dhamaan; 9 #Reer_Nuur_Jeexoow, #Reer_Guure_Shiraar, #Reer_Rooble_Calasoow, #Reer_Cumar_Xooshoow, iyo Intii qaraabo la ah,
Iyo Waliba Macalimiintayda, Saaxiibadeey, iyo qoys kayga, RABBI ha aqbalo Cumarada iyo ducada.
Cabdiqaadir Maxamed cusmaan Caanooy (Barlnaamij)
#makkah_al_mukaaramah
#saudiarabia 🇸🇦